Golaha Deegaanka Hargeisa iyo Hogaankooda ma waxay Noqdeen Qaar lagu Hungoobay Wax qabad la,aanta iyo Hawlahoodii ay Gabeen oo ay Bulshadu baahi weyn u qabto

‘Waddooyin Burbursan oo aan la mari Karin + Nadaafad xumo Xashiish meelasta ka buuxo+ Xoolo lagu Dhex raaco magaalada iyo arimo kale oo Badan’

jimcaale11Tan iyo markii la doortay golaha deegaanka ee hargeisa, oo laga filayey xildhibaanada in ay la iman doonaan wax qaban isla markaana ay ololihii Doorashada ku Galleen in ay Magaalada wax weyn ka Badali doonaan ayaa hada markaad eegto sida ay magaaladu tahay ka dhici sawday taasi, isla markaana ay noqdeen qaar lagu hungoobay.

isla markaana looga baahnaa hogaanka golaha deegaanka hargeisa in ay magaalada horumarkeeda wax ku soo kordhiyaan, balse wax ay ku soo kordhiyaan daayo intii yarayd ee wadooyin ahayd ee golihii ka horeeyey sameeyey ayaaba baaba ku dhaw waxaana dhici karta  in dhawaan la kala garan waayo ma wado laami ah baa mise waa wado boodh.

Wadooyinku waa kuwa caasimada dhismayaasheeda dhaadheer ee laga dhisay iyo kuwa kale ee la dhisoba goor iyo ayaan soo saari kara bilicdooda isla markaana ay ku soo hiran karaan dad badan oo ganacsato oo kala duwan.

hadaba golahan deegaanka hargeisa ee hada maxay ku filan yihiin ma in dadka ay cashuurta ka qaadaan oo ay ka xoolo uruursadaan ayey bulshadu u dooratay oo ay meesha u yimaadeen ayna xil isku saareen umaduna u dooratay?iyo waxtarka umada?koley qofkasta wuu garanaya jawaabteeda qofna loo sheegi maayo

Dhanka kale waxaa dhawaanahanba la maqlayey in dawlada hoose ama la arkayey iyagoo wa,dada halbawlaha u ah magaalada oo ay dhinaca bari ka soo gaadhsiiyeen guddida dib u dhiska wadooyinka oo hoos timaada wasaarada madaxtooyada, ayaa wadadaasina ayna ahayn mid ay dawlada hoose iskeed u bilowday balse ay tahay wado lagu wareejiyey in ay qaybtii kaga aadanayd ka qabtaan, isla markaana waxa laga sugaa ay tahay dhamays tirkeeda?balse su,aasha la is weydiinayaa markay dhameeyaan wadadaasi ma intaasi oo kaliya ayey ku joojin mise wadooyinka kale ee burbursan ayey dayactiri oo ay qaar kalena ku soo kordhin ? jawaabtu waa markay dhameeyaan hadii alle yidhaahdo.

dhanka kale markaad eegto wadooyinka oo kaliya maahee, xataa nadaafadii ama qashin gurkii ayaa isna ka sii daran oo magaalada badhtankeeda aad ku arkaysaa xashiish meel kasta buuxa isla markaana haday sidan roobab ku helaan oo roobabku ku soo gaadhaan taasina ay ka dilaaci karaan xanuuno,

badalkeediina ay dawlada hoose shaqo daayoo xataa aanay lahayn soo hadal qaad ku saabsan nadaafada caasimada hargeisa.

Waxyaabaha kale ee aad arkayso ama aad la yaabayso waxaa ka mid ah caasimadadii oo loo soo raacayo xoolihii kala duwanaa ee baadiyaha in lagu xanaaneeyo ay ahayd oo iyaguna suuqyada waaweyn dhex daaqaya isla markaana aanad aana moodinba caasimada, balse ay u eekaatay tuulo siday ugu dhex nool yihiin xooluhu markaad aragto, ee ay wadooyinka hal bawlaha u ahna ku dhex saxaroonayaan isla markaana ay kharibayaan ama saxo xumo ay iyaguna keeni karama maadaama oo ay cunayaan cuntadii banii aadamka.

Waxan leeyahay maamulka  golaha deegaanka hargeisa ee uu ugu horeeyo maayar c/raxman soltelco iyo ku xigeenkiisaba ha noqonina wax ma tarayaal ee noqda, qaar umada wax qabad lagu xasuusto kaga taga, sida dad badan oo hore u soo hayey xilalkooda, wixii ay qabteena ilaa hada magaalada ay ka dhex muuqdaan.

Jimcaale Dayib Awcali

Hargeisa somaliland

jimcaaledayib@gmail.com