Golaha Deegaanka Gabiley oo Noqday Maamulkii u horeeyey Dowladaha Hoose ee Bulshada La wadaaga Khatarta Cudurka Covid-19

 

Gabiley (SLpost)- Golaha Deegaanka ee Degmada Gabiley oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golahaas ahna Duqa magaalada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi, ayaa noqday Maamulkii u horreeyey dowladaha Hoose ee magaalooyinka dalka ee Shacbi-weynaha u soo bandhiga wacyi-gelin ku saabsan qaabka looga hortago loogana feejinaado Caabuqa CoronaVirus oo saamayn taban ku haya isla markaana si xawli ah ugu fidaya caalamka.

Muuqaalkan Wacyi-gelinta ah oo lagu soo bandhigay tallaabooyinka ay mudan tahay in qofku sameeyo si looga hortago faafista cudurka COVID-19 ee ka dhasha Caabuqa Corona, waxa iska kaashaday Golaha Deegaanka ee Degmada Gabiley iyo Warbaahinta dalka oo ay ku jirto Shabakadda Wararka ee Somalilandpost.net.

DAAWO WACAN