Golaha Deegaanka Gabiley oo Dalbaday in Hanti-dhowrku soo faro-geliyo Dawladda Hoose ee Gabiley (DAAWO)

Gabiley (SLpost)- Golaha Deegaanka degmada Gabiley oo maalmihii u dambeeyey ku gudo-jiray Kalfadhigooda Afraad oo ay kaga doodayeen xisaab-xidhka miisannadiyadda sannadkii hore, ayaa fadhigoodii maanta iskula qaatay in Hanti-dhowrka qaranku soo fara-geliyo golahooda.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka degmada Gabiley oo gebo-gabadii fadhigoodaas la hadlay warbaahinta, ayaa maayarka iyo kux-geenka Golaha deegaanka ku eedeeyey musuq-maasuq la xidhiidha mad-madow ka dhex-muuqda miisaaniyadda, iyaga oo sheegay in golaha fulinta ee Dawladda ka hoose ka qancin waayey qaabkii loo maamulayey miisaaniyad-sannadeedkii la soo dhaafay.

SOMALILANDPOST.NET