Golaha deegaanka ee Gabiley oo fadhi ay maanta yeesheen Xilkii kaga qaaday Maayarkii Degmada, Ku Cusubna doortay

Hargeysa, 14 March 2012 (SLpost)- Golaha Deegaanka ee degmadda Gabilay ayaa maanta fadhi aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta dawladda hoose waxay cod aqlabiyad ah ugu doorteen Eng. Axmed Muxumed Qaalib inuu noqdo Maayarka cusub ee magaaladda Gabilay.
Fadhigii Golaha deegaanka Gabiley oo ay gudoominaysay Maayarkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh, waxa ka soo xaadiray 17 Xildhibaan oo ka mid ah 21 ka Xubnood ee Golaha deegaanka Gabilay ka kooban yahay. Waxa kale oo fadhigaasi goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Gabilay iyo saraakiil ka socday wasaaradda daakhiliga.
Maayarkii hore ee magaaladda Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh oo gudoominaysay shirkaasi ayaa sheegtay inay muddo ahayd ku simaha maayarka isla markaana ay ku faraxsan tahay in fadhigu qabsoomo oo lagu doorto Maayar cusub.
Fadhigaasi oo ku qabsoomay jawi degan waxa 16 Xildhibaan ay u codeeyeen in Maayarka cusub ee Gabilay ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadaasi uu noqdo . Axmed Muxumed Qaalib.
Waxa kale oo fadhigan ay mudaneyaasha Golaha deegaanka Gabiley ay cod aqlabiyad ah xasaanadii dib ugu soo celiyeen Maayarkii hore ee Gabiley Aadan Muxumed Badde oo sagaal bilood ka hor xasaanadii laga qaaday ka dib markii Hanti-dhawrka guud ku eedeeyay inuu ku tagri-falay hanta qaran.
Waxaana ogolaaday dhammaan Mudaneyaashii halkaasi fadhiyay oo tiradoodu dhamayd 16 Xildhibaan, Guddoomiyuhuna may codayn.
Maayarkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, oo hadda ah Maayar Ku Xigeenka magaaladaasi ayaa hadal kooban oo ay ka jeedisay gabo-gabadii fadhigaasi waxay ku bogaadisay maayarka cusub ee ay doorteen golaha deeganka Gebiley.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland