Golaha Deegaanka Cusubi Waxa Uu Leeyahay Sifaalaha Ninkii Maqasha Daayacay Ee Geela Loo Diray – W/Q: C/raxmaan Colaad

Bina-aadamku tariikhda waxay ka dhaxlaan in lasaxo wixii shalay qaldamay taa haddii lawaayo waxa muuqata in ay jirto astaamihii dibu dhaca. shacabka Somaliland waxay in badan ku riyoonayeen oo ay yididiilo ka qabeen in la helo isbadal horumar keena.

Wakhti hada laga joogo 11 sanadood waxaa loo dareeray dorashooyinkii lagu soo doranayey gole yaasha deegaanada waxaa lafilanayey in dadkan lasoo dooranaya ay waxbadan oo isbadala keeni doonaan lakiin taasi may dhicin waxay noqdeen dad lagu hungoobay siday dadku ka marag kaceen yar iyo weynba.

Waxaa lagu xasuustaa oo diwaanka taariikhda ugu qormay inay noqdeen golihii ugu musuq maasuqa badnaa ee Somaliland soomara waxana loo tiriyaa wixii dan guud ahaa ee umada ka dhaxasay oo maanta ay adagtahay in lahelo meel dan guud ah oo shacabku ka faaidaysan karro. Laakiin waxaa nasiib daro ah oo umadana nusqaan iyo laf-jab ku ah inaan waxba laga baran taariikhdii iyo wixii laga soo dhaxlay golayasha deegannada ee hada wakhtigoodii dhamaday.

Weli ma is-waydiisay dadka hada loo durbaanno tumayo ee lasoo sharaxay noocay yihiin aqoontooda, kartidooda, daacad nimadooda, sumcada ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin iyo sifooyinka lagu soo xulay.

Ugu horayn dadkan waxa lagu soo xulay habka qabiiliga ee wadanka ragaadiyey ee maaha intii labidayey aqoon, karti iyo daacadnimo balse intooda badani waa dadka aan haba yaraatee bulshada dhexdeeda ku lahayn haybad iyo sumcad.

Dadkaasi waxay ubadan yihiin dhalin-yaro aan lahayn hal-abuurnimo hogaamineed iyo waayo aragnimo ay wax ku maamuli karaan, waxa keli oo ay musharaxiin ku noqdeen intooda badani inay yihiin dadka ugu af-miisharsan bulshada dhex deeda.

Ma odhan karno dhamaantood waa ay ka siman yihiin lakiin waxaa jira ash-khaas fara ku tirisa oo leh sifooyinkii qof hogaamiye ah lagu dooran karo. Taasi waxay lamacno tahay inaan marnaba laga filan Karin inay noqdaan dad dhaama kuwa hada meesha banaynaya balse ay noqon doonaan kuwo wax badan laga calaa-cali doono.

Sawkii lahaa run-sheegii halgamaaga ahaa marxuum Maxamed xaashi dhamac gaariye Allah haw naxariistee

Wallee qalin- diraalah

Denbi qaranka laga galay

Kama qariyo wadhatada

Wallee qoonta mililka leh

qaarka sare ma dhay-dhayo

Waxaan jecelahay inaan ku soo afmeero maqalkaygan kooban talo aan usoo jeedin lahaa muwaadiniinta jecel horumarka wadanka

1) Muwadin ugu horayn waa mihiim inaad ka qayb qadata dorashooyinka deeganka balse marnaba codkaaga haku badalan ama hasiisan wax u horseedi kara wadanka dibu dhac iyo foolxumo keenta horumar la?aan iyo musuq maasuqa oo sii baaha.

2) Ogaw inaanu qof xumi qabiil iyo reernimo waxba kuugtu tari Karin lakiin qofka wanaagsani wadanka iyo adigaba wax ku tari karo.

By: C/raxman Colad Cumar jeex

Email:rafiiq2@hotmail.com

00-252-2- 4177118

Hargeisa, Somaliland.