Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo Doortay Maayar iyo Maayar ku-xigeen

Hargeysa (SLpost)- Golaha deeganka Caasimadda Hargeysa oo maanta yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey, ayaa maayarnimada caasimadda iyo ku-xigeenkiisa u doortay laba mudane oo ka soo baxay Xisbiyada Kulmiye iyo UCID.

Fadhiga Maanta oo ku qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa isla markaana ay ka soo xaadireen aqlabiyadda Golaha oo tiradoodu dhantahay 15 Mudane, ayaa ka hor intii aanu Goluhu hoggaankooda Dooran, waxa madasha shirka ku dhaariyey Garsoore Xuseen Jaamac oo ka socday Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

doorashada maayarka (4)

Fadhigan oo ay ka maqnaayeen 10 ka mid ah 25-ka xildhibaan ee Golaha la soo doortay ee Caasimadda, waxa Maayarka Hargeysa loogu doortay Eng Yuusuf Warsame Siciid oo ka soo baxay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo ay u codeeyeen 15 xildhibaan, halka Maayar ku-xigeenka caasimaddana loo doortay Xildhibaan ka soo baxay Xisbiga UCID, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo isaguna helay 15 cod.


doorashada maayarka (5)

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo shirkaasi ka qayb-galay, ayaa sheegay in doorashadu u dhacday si sharci ah, hoggaanka golaha deegaanka Caasimadda-na ay u aqoonsan yihiin Eng. Yuusuf Warsame iyo Cabdicasiis Cago-weyne.

doorashada maayarka

Maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee loo doortay Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa ka hadlay dareenkooda ku aaddan xilka loo magacaabay iyaga oo shacabka iyo dawladdaba ka codsaday in wada-jir loola shaqeeyo.

“Maayarnimada aan maanta qabtay iyo halqabsigaygii ahaa inaan caasimadda la tartansiinno adduunka, waxa kaliya ee aynu kaga baxaynaa hawsha meesha taala ee badan idinka oo reer Hargeysoow magaaladaas ila dhisa, ila qurxiya, I garab qabta innaga oo dhan oo isku duuban,” sidaa waxa yidhi maayarka Cusub ee Caasimadda Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid.

doorashada maayarka (1)

Maayar ku-xigeenka caasimadda Md Cabdicasiis Caga-weyne oo ka hadlay madashii lagu doortay, ayaa bulshada, xildhibaannada deegaanka iyo Xukuumaddaba baaq u diray. “Haddii ay tahay Golaha Dhexdiisa, hadday tahay Xukuumadda; nala shaqeeya oo na garab istaaga. Maanta waa annaga, barrina waa idinka,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Dhinaca kale, haldoorka madax-dhaqameedka gobolka Maroodijeex, ayaa hambalyeeyey doorashada hoggaanka cusub ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, iyaga oo sheegay in lagu qanacsan yahay qaabka doorashadoodu u dhacday.

doorashada maayarka (6)

Suldaan Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa guud ahaan hambalyeeyey Goleyaasha iyo maayarradda dalka, isaga oo si gaar ah u soo qaatay maayarka iyo ku-xigeenka caasimadda ee maanta la doortay, “Waxaan hambalyeynayaa dhammaan maayarrada goleyaasha deegaanka dalka gaar ahaan Maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee Caasimadda, doorashadani mid lagu qancay weeye,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo isaguna ka hadlay qaabka doorashada hoggaanka Golaha Caasimaddu u dhacay, ayaa yidhi, “Waxaanu halkan Hambalyo uga diraynaa Golaha Degaanka Caasimadda sida quruxda badan ee ay u doorteen Maayirka iyo Maayir ki-xigeenka, waxaanu leenahay Hambalyo.”

doorashada maayarka (3)

Sidoo kale, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa u duceeyey mudaneyaasha Golaha iyo hoggaankooda cusub, “Waanu Hambalyeenaynaa. Hambalyada waxa ka culus ducada ee waanu u ducayneynaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net