Golaha Baarlamaanku Ha Joojiyo Lacagta Xaaraanta Ah Ee Madaarada Laga Qaado‏ – W/Q: Xuseen Xirsi

Aqalka Wakiillada Waxaan Leeyay Ha Ku Sifoobina Sida Xildhibaanada Caanka Ah Ee Cali Mareexaan  Nac Nac  Iyo  Waabeeyo,Wasiiraka Duuulista Iyo Hawadana Waxaan Leeyay Yaanay  ($10usd) Kuusoo Jiidin Magac Xumo Iyo Naanays Kuu Gasha Diiwaanka

Assalaamu calaykum

Salaantaa islaamka kadib waxaan jeclaystay inaan maantana xasuusiyo Aqalka wakiillda JSL indadku ildheer ku eegaayo bal waxay ka yeelan lacagtii hadalkeedu taagnaa ee lagaga Qaadayey madaarada dadka ka dhoofa  ee ahayd ($ 10 USD) oo laga sugaayo bal waxay ka yeelaan baarlamaanku arrintaa hadaba waxaynu ka wada dheregsanay inay lacagtaasu ku tahay dadka kelifaad iyo dhib aanay Qaadi karin oo ku haysa ama lagala kulmo culays aad uu u dareemo dadku waayo waa lacag aan haysan marinkeedii ama aan sharci ahayn sida la wada ogyahay waana ku kelifaad ummada kasoo degta madaarada lacagtaasu sidaa darted waxa looga fadhiyaa golaha baarlamaanka ee JSL in aanay lacagtaa ku socodsiin ummadda danyarta ah ee dooratay waana inay dhadhamiyaan magaca ay meesha ku joogaan oo ah Aqalka wakiilada JSL isna weydiiyaan horta yay wakiil ka yihiin? maxayse wakiil uga yihiin? Waxa hubaal ah kolkay su,aashaas is weydiiyaan xildhibaanada golaha wakiilladu inay intooda damiir koodu caafimaad Qabaa dareemi doonaan masuuliyadda ka saran shacbigii soo doortay ee nin waliba u ballan Qaadyey inuu si cadaaladda waafaqsan ugu adeegi doono illaahay hortiisna ay kula mubaayacoodeen oo ballanka kula galeen inay masuuliyadaa siday tahay u gudanayaan  hadaba iyadoo ay  muuqato xaaraan nimada lacagtaa (TOBANKA DOOLLAR) ahi ayaa hadana waxa jirta cabsi dadku ka Qabaan xil gudashada Aqalka wakiillada ee aynu u igmanay is hortaaga arimahaas oo kale iyo illaalinta shuruucda dalka iyo dejinta xeeranka lagu hagayo hay,adaha dalka oo aad moodo inay beryahan ku danbeysey iska maroorsi iyo nin toocsi nin waliba siduu doono u maamulo xafiiska uu joogo hadaba waxaan ku soo  ururinayaa maqaalkaygan gaaban odayaasha Aqalka wakiiladu inay arrintaas ku eegaan fiiro dheer oo ay doontaan cidii uga Aqoon badan xeererka madaarrada iyo wax yaabaha ku waajibi kara dadka rakaabka ah ee raaca dayuuradaha xataa waxa jiri karta iyadoo loo danaynayo dakeena in laga dul qaado wax sharci ku waajibiyey oo laga saamaxo ama laga khafiifiyo taana inagu ma naqaano ee bal tan aan sharciga ahaynuun hala joojiyo oo ILLAAHAYNA halaga baqo shicibkana ha laga daayo dhibka iyo cadaalad darrada baahdey golaha wakiiladuna yaanay ku sifoobin oo aanay wada noqon  sida xildhibaanada caanka ah ee( CALI MAREEXAAN ,NACNAC ,IYO ,WAABEEYO  kuwaas oo u suntan dadkii soo doortay  oo u kalaha dantooda iyo maalinba halka  ay kulmiye ugu dhawaan karayaan  wasiirka hawada iyo duulistana waxaan kula talinyaa madaarka BERBERA waxaad ka Qabatay dib u dhis fiican kumana amaanid oo waa waajib ku saran ee yaanay(TOBANKAN DOOLLAR )ee machine kii lagu magacaabay fadhiistay kuu soo jiidin naanays iyo magac xumo diiwaanka  kuu  gasha.

XUSEEN XIRSI CAAMIR (ABU MAXAMED)

Email inacaamir1960@hotmail.com