Golaha Aqalka Sare Ee Kenya Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Hadalkii Ruto Ee Dibu-celinta Qaxoontiga Dhadhaab

Nairobi. (SLP)- Golaha aqalka sare (Senators) ee dalka Kenya ayaa ganafka ku dhuftay maanta in qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab si khasab ah dalkooda loogu celiyo. Ka dib markii madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto uu dhawaan ka dalbaday hay’adda UNHCR in saddex bilood gudahood ay qaxoontiga ku jira Dhadhaab dib ay ugu rarto gudaha Soomaaliya.Aqalka_Sare_Kenya

Afhayeenka golaha senator-rada Kenya, Ekwe Ethuro oo warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay inaan khasab lagu celin karin qaxoontiga Soomaaliyeed ee dalkooda ku nool, isagoo meesha ka saaray in xukuumadda Kenya ay ka hor-imanayso sharciyada u yaalla qaxoontiga Caalamka.

“Kenya xoog kuma celin doonto qaxoontiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool, waxaanan caddeynayaa in xukuumadda Kenya aanay ka hori-man doonin shuruucda caalamiga ah ee u yaalla qaxoontiga,” ayuu yidhi Ekwe Ethuro.

Isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi. “Kenya waxay Qaramada Midoobay kala shaqaynaysaa sidii qaxoontiga Dhadhaab ku nool ay si iskood ah ugu laaban lahaayeen dalkooda, iyadoo aanu jirin wax khasab ahi.”

Hadalka mas’uulkan ka tirsan Aqalka Sare ee dalka Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dawladda Kenya dhawaan dalbatay in qaxoontiga Dhadhaab ku jira dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

William Ruto ayaa ku andacooday in xeryaha Dhadhaab ay Al-shabaab u adeegsato goobo ay kasoo abaabusho weerarrada Kenya ka dhaca, waxaanu intaas raaciyay in xukuumadda Kenya ay shuruucda caalamiga ah ee ilaalinta qaxoontiga ay ka hor-marinayso sidii amniga shacabkeeda ay u sugi lahayd.

Dhinaca kale, hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay go’aanka xukuumadda Kenya ee dib-u-celinta qaxoontiga Dhadhaab, iyadoo sheegtay in Kenya ay kala shaqayn doonto sidii ay u sugi lahayd amniga dalkeeda, ka shacabkeeda iyo ka qaxoontiga Dhadhaab ku nool.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerar oo qaasaare badan gaystay ka fulisay gudaha dalka Kenya, kuwaasoo uu ugu dambeeyay weearkii ay Jaamacadda Gaarisa ku qaadday bilawgii bishan April oo ay ku dishay 148-qof oo u badan ardaydii Jaamacaddaas wax ka baranaysay.

 

Wararka Afrika

Somalilandpost.net