Golaha Ammaanka QM oo Ansixiyay Qaraar Dhaqaalaha Lagaga Joojinayo Ururka Daacish

 

Wasiirada Maaliyadda ee ka kala socda 15-ka dal ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay qaraar looga gol leeyahay in lagu jaro dhaqaalaha kooxda Khilaafada Islaamka.

 

 

Qaraarkan ayaa ku salaysan go’aan markii ugu horreysay la meelmariyay sanadkii 1999 kaasi oo lagu bartilmaameedsanayay kooxda jihaadiga ee Al-qaacidah.

 

 

Qaraar kan la mid ah ayaa bishii February ee sanadkan waxaa meelmariyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse diblumaasiyiinta ayaa waxa ay ka cabanayeen in si joogta ah loogu xadgudbay qaraarkaasi.

 

 

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka, Jack Lew, oo hadal jeediyay kaddib codka loo qaaday qaraarkaasi ayaa sheegay in wadammadu ay tahay in ay mideeyaan dadaaladooda haddii la doonayo in qaraarkaasi uu noqdo mid wax ku ool ah.