Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Cunaqabatayn Degdeg Ah Saaraya Kuuriyada Waqooyi

US(SLpost)-Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa si wada jir ah waxa ay u cambaareeyeen dowladda Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaaladada riddada dheer.

160207054313_north_korea_rocket_624x351_afp

War qoraal ah oo ay soosaareen kaddib kullan degdeg ah oo ka dhacay New York, golaha waxa uu sheegay in cunna qabateyn si dhaqso ah u dhaqan galeyso la saarayo dalka Waqooyiga Kuuriya.

Waxaa xukuumadda Pyongyang lagu eedeeyay inay wado halis iyo qalalaaso aad u xun. Bishii January oo keli ah afar gantaal oo nuclear ah ayey tijaabisay. Dowladda Pyongyang waxa ay sheegtay in tijabada gantaallada ay qeyb ka tahay barnaamijkeeda hawada.

Safiirka Kuuriyada Koofureed ee UN, Oh Joon, waxa uu tilmaamay in la joogo xilli golaha amniga uu meel marin lahaa go’aan adag oo dhan ah Kuuriyada Waqooyi.

Safiirka Japan u fadhiya UN, Motohide Yoshikawa, waxa uu dhankiisa tilmaamay in ay waajib tahay in la badalo xiriirka lala wadaago Kuuriyada Waqooyi.