Gogol-xaadhka Wejiga Shanaad ee Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya oo ka furmaya dalka Turkiga iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta u amba-baxay dalka Turkiga, halkaas oo la filayo inay ka bilaabmaan gogol-xaadhka wejiga 5aad ee Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia.

Wasiir XirsiWada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaalia oo muddooyinkii u dambeeyey hakad galay, ayaa la qorsheeyey inta aanay bilaabmin ka hor in Afar xubnood oo labada waddan ka socdaa u sii gogol-xaadhaan isla markaana isla eegaan waxyaabaha laga wada-hadlayo, waxaana wasiirka Madaxtooyada uga sii horreeyey dalka Turkiga, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo todobaadkii hore socdaal aan warbaabinta ka war-haynin ugu baxay dalka Turkiga.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WASIIRKA OO SHARRAXAYA UJEEDDADA SOCDAALKIISA