Gobonimadda Iyo Golaha Nabadda Ha La wada Illaashado Somalilandneey

Berberaay Hooyadii S/ Land,waxaad ahayd Hooyo dalkeeda iyo dadkeedaba jecel,Danyar  korisaay,jaarkeeda iyo inta la deganba aad u xushmaysa oo aan Dabac xumo iyo  qallafsanaan  lahayn,dadkuna u siman yihiin oo aan looga baran hadalo deelqaaf ku ah walaalaheeda ay wada  degaan deegaanka. Waxaana hore loo yidhi ama ay caan ku ahaydba,hooyada ka sokaw inay  tahay  SODOH-DII S/land; Sodohina waxay hiddo iyo dhaqanba u lahayd,Xishood,Karaamo iyo  qadarin ay u hayso,Cid kasta oo  ka mida walaalaha ay la dhalatay,inay gurigeeda ku soo dhaweyso, ku karaamayso magaca ay wadaagaan,taasoo taariikhdana baal dahaba ka jirta,Qalbiga iyo Maskaxdana ugu kaydsan,kuna kaydsanaan doona ABID

Haddaba,waxaa maalintii ay  Bishu ahayd ,22/12/2012,waxa qaadan waa iyo Fajiciso igu  noqotay,war yar oo berbera naga soo gaadhay,oo nagu noqday… Ma reer Berberaa  waalan  mise  Cadanbaa laga heesaya……iwm ,,?

Waxaanu in badan Rog Rognay,oo aanu isweydiinay,malaha reerkii gobta ahaa arrinkaasi kama  suuroobo ee waa war xume tashiilki oo mijintii raadinaya…..iwm. ee hala hubsado arrinkaasi, annagoo isku hayna,ayey noo xaqiijiyeen, VOA iyo BBC-du,inay berbera wax ka dhaceen,oo si  gaara loo bar tilmaamsaday,qaar ka mida shirkadaha ganacsiga  sida TELESOM, DahabShiil iyo qaar kale markaa maaha in shakhsi aan beel iyo reer toona shaqo ku lahayn,in xafiisyadiisi la  weeraray wax yeelona loo gaystay; iyadoo aaan waxba la iska weydiin ama lagu xisaabtamin,  Maamuuska iyo Xushmada uu ku leeyahay  J. S/ Land  shakhsigaasi.

Mana aha shakhsigaasi ama ,mid loo nisbeeyo Qabiil iyo reer toona,isla markaana lagu xidhiidhiyo Xukuumada. Waa shakhsi ka madax bannaan oo aan wax xidhiidh ah ama lugba ku lahayn,arrimahaas ay reer Berbera ka gadoodeen.

ganacsadahaasina,wanaag mooyee weligii xumaan kumu talin,waa shakhsi daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisaba,isla markaana ka madax bannaan Siyaasadda oo aan wax shaqo ah ku lahayn ,kuna  eeg Ganacsigiisa iyo hawlaha u gaarka ah. Waana shakhsi ay u siman yihiin dadkiisu oo aan kala  jeclayn  Fiqiirka iyo Taajirkaba. Isla markaana qayb libaax ka qaatay dalkan Horumarkiisa,oo aan  maanta laga been sheegi karayn horaysiyo dambaysoba. Waana shakhsi gudo iyo debadba ku leh Maamuus iyo Qadarin,ay u hayaan shicibweynaha reer S/ Land. Halkana laguma soo koobi karo wax qabadkiisa iyo waxtarkiisaba.

Haddaba,waxaan leeyahay , ma gayaan manay mutaysan maanta hadallada deelqaafka ah iyo Gardarada aan geedna loogu soo gaban,ee ay reer berbera ugu badheedheen Dahab Shiil iyo Telesom toona waxa sidaasi yidhi. Moxammad  Jaamac Liibaan,oo ka mid ah wax garadka iyo aqoon-yahanada Somaliland.

Waxaan leeyahay reer berbarow, Salaadiin,Cuqaal,Waxgarad,Aqoonyahan,Duqay waayo arag ah oo aqoon leh,Rag iyo Dumarba,Dhalliyaro iyo waayeelba. Waxaa maanta iyo Bariba la idin ka fadhiyaa,sugayaa oo xil iyo waajiba idin ka saran yahay, inaad Xaal Gole Joog ah,ka siisaan kana  Raalli galisaan  Shirkadahaasi,dhacdadaas lama filaanka ahayd.

Shirkada Dahabshiil  iyo Telesom na waa Shirkadaha Keliya ee si Wadannimo leh dalkooda uga fulisa Mashruuc Kasta oo wax tar u leh dadkeeda iyo wadankeedaba hadii ay tahay Maalgashi,Dhismayaal Bilic leh iyo kuwo lagu samaynayo Da’yac tirba sida Caafimaadka  Iyo guud ahaanba Adeegyada Bulshadda,Waxbarashadda dadban iyo tan tooska ahba, Wadooyinka iyo waliba Caawimooyinka kala duwan ee ay sida joogtada ah u siiyaan Agoomaha iyo Darbijiifka yar yar, oo ay hadh iyo habeenba heegan u tahay daryeelkooda.

Waana mid ay taariikhdu xusi doonto,sidaad ka yeeshaan arrinkaasi…. Igaba dhan,waxaanse ku  darayaa oo aan leeyahay…laba  G midkood ama mid ka mida kaad  TAJKA saaraysaan  idinku    isweydiiya.. Geesina waa garanayaa,doqonna loo sheegi maayo. Ilaahay[sw] ha idin garansiiyo.

W A   B I L L A A H I    T A W F I I Q . Axmad  M.M.C.Hargeysa.

Kobciye999@gmail.com:Tel:002522-9118404