Gobolkii Marti-galinayay horyaalka Somaliland isla markaana haystay Horyaalka Gobollada oo gobolka HAWD uu rikoodh-jabis kaga reebay Tartanka

Burco, (SLpost)-Xulkii gobolka martigelinayey horyaalka gobollada Somaliland isla markaana hore u haystay koobka horyaalka gobollada ayaa noqday xulkii ugu horreyey ee ku hadha wareegga saddexaad ee tartanka ka dib markii ay wacdaro kala kulmeen xulka gobolka Hawd oo ay u tahay sannadkii koowaad ee ay tartanka ka qayb-galaan.

Ciyaar aad u adag oo natiijadeeda la sugayey ayaa maanta dhex martay gobollada Togdheer iyo Hawd ayaa ka dhacday garoonka Alamsy Stadium ee magaalada Burco.

Ciyaartan oo koox walba u ahayd kulankii saddexaad ayaa ku dhammaatay natiijo ka nixisay gobolka martigelinaya horyaalka gobollada Somaliland isla markaana hore u haysatay horyaalka gobollada Dalka ee Togdheer, ka dib markii xulka gobolka Hawd oo ay tahay sannadkii ugu horreeyey ee ay ka qayb-galaan ay natiijo rikoodh jabis ah ku muquuniyeen xulka gobolka Togdheer.

Waxa ay ciyaartu ku bilaaban tay xamaasad aad u adag oo koox waliba doonayso inay hanato guusha, balse nasiib darro waxa gobolka martida loo ahaa qaybtii hore ee ciyaarta laga dhaliyey laba gool in kasta oo gobolka Togdheer soo bandhigay ciyaar qaabkeedu yahay 4,4,2, halka xulka gobolka Hawd ay ku soo galeen garoonka qaab-ciyaareed weerar u badan oo u dhigan 4,2,4 taasina u suurto-galisay inay markiiba dhashadaan labada gool.

Markii lagu soo noqday, waxa markiiba gobolka hawd u suurto-gashay inay dhashadaan goolkii 3aad taasina dhalisay inay waxoogay yar niyad jabaan. Waxoogay markii ay ciyaartu socotay, waxa haddana gobolka hawd u suurto-gashay inay keensadaan goolkii 4aad.

In kasta oo aanay gobolka Togdheer wax gool ah aanay keensan, haddana waxa mar kale gool kii 5aad dhaliyey gobolka Hawd balse goolkaasi muu noqon mid uu aqbalo garsoorihii ciyaarta gacanta ku hayey kaas oo uu ka soo qaaday waxba kama jiraan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii ay afar daqiiqo ka hadhasanayd ayey xulka gobolka Togdheer keensadeen goolkii 1aad.

Ciyaartan dhex martay labada gobo loo ahayd mid qurux badan isla markaana daawadayaasha garoonka ku sugnaa ay ka badnaayeen intii hore, taageerayaashuna u badnaayeen gobolka martigelinta iska leh, waxa ay ku soo dhammatay natiijo 4-1.

Labadan gobol ee maanta wada ciyaaray oo ku jira Group A isla markaana ay kula jiraan gobollada Sanaag iyo Maroodi-jeex, waxa uu gobolka Hawd ku hoggaaminayaan 6 dhibcood isaga oo gobolkani hore uga soo badiyey gobolka Sanaag halka ay kulankoodii saddexaad ay ka wada ciyaareen Maroodijeex oo isagu kaga badiyey 0-2.

Gobolka Togdheer ayaa isaguna hore ula soo ciyaaray gobolka Sanaag oo ay barbarro galeen halka kulankii kalena ay kawada ciyaareen xulka gobolka maroodijeex oo ay isna barbarro galeen, taasina keentay inay laba dhibcood helaan, waxaanay tani sababtay in xulka gobolka Togdheer ee tartanka Martigalinayey ay ku hadhaan.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net