Gobolka Xaysimo Dhaqaale ahaan iyo Istaraatiji ahaan ma isu bixin karaa, mase u qalmaa Gobol? – Fal-celiska Siyaasiyiinta iyo Shacabka Taleex

Dadka Ku Dhaqan Magaalada Taleex Iyo Siyaasiyiinta Deegaankaas Qaarkood Siday U Arkeen Magacaabista Gobolka Xaysimo Iyo Afartiisa Degmo?

Taleex (SLpost)- Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Deegaanka Taleex, ayaa xalay isaga oo jooga gudaha magaalada Taleex waxa uu Wargeyska Himilo uga warramay sida ay isaga iyo inta badan dadka deegaankaasi u arkaan magacaabista uu Madaxweynaha Somaliland shalay ugu magacaabay in Taleex noqdo magaalo-madaxda gobolka Xaysimo, isagoo sidoo kale magacaabay afar degmo oo gobolkaas hoos-tegi doona, waxaanu Xildhibaanku sheegay inay dadka reer Taleex si diirran u soo dhaweeyeen magacaabistaas.

TaleexXildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isagoo ku sugan Taleex oo uu saddexdii toddbaad ee ugu dambaysay joogay Khadka Taleefanka xalay ugu warramay Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo, waxa uu sheegay inay magacaabista gobolka Xaysimo ee Taleex ay tahay tallaabo loo qaaday dhinaca horumarka, isla markaana ay tahay go’aan wax badan ka beddeli kara jewiga siyaasadeed ee dadka iyo deegaanka Taleex oo ay ka jirtay Siyaasado iska soo horjeeda oo Somaliland qaarkood lid ku ahaayeen. Balse waxa uu Mudanahani ku dooday in arrimahaas wax badan ka beddelayso magacaabistan cusub ee Madaxweynuhu.

“Hadda Taleex baan joogaa oo aan kaala hadlayaa, dadka deegaankuna way soo dhaweeyeen magacaabista gobolka iyo degmooyinka uu Madaxweynaha Somaliland magacaabay, waana tallaabo wanaagsan oo dhinaca horumarka loo qaaday, waanan soo dhawaynaynaa, waanan ku hambalyeynaynaa Madaxweynaha Somaliland inuu gartay inay Taleex u qalato gobol Buuxa oo ka mid ah gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, dadka reer Taleexna si aad iyo aad ah bay ugu farxeen una soo dhaweeyeen.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ka soo jeeda Deegaanka Taleex oo ka jawaabay su’aal ahayd waxa ay magacaabistaasi soo kordhin karto iyo sida ay u arkeen dadka reer Taleex maaddaama oo uu magaaladaas dhawaanahanba ku sugnaa.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka jawaabayey su’aal ahayd waa maxay haddaad qodob qodob u sheegta waxa ay magacaabista gobolnimo ee Taleex soo kordhin karto ee ay ka beddeli karto jewigii siyaasadeed ee hore halkaas uga jiray, waxa uu ku jawaabay; “Ugu horreyn waxa ay soo kordhinaysaa oo faa’iido u leedahay Maamul-fudinta, waa gobolka inta ugu mudan Xuduudaha Somaliland xukuma, waana arrin muhiim u ah magacaabista Taleex Somaliland guud ahaan iyo dadka halkan deggan-ba. Waxay muhiim ugu tahay in maanta laga bilaabo Taleex ay la mid noqonayso gobollada kale ee dalka Somaliland ee horumarka iyo maamul-daadejinta laga hirgeliyey ee nabadgelyadu ka tisqaadday, waayo awal Taleex waxay ahayd degmo gobol ka tirsan oo si kasta gobolkaas ugu hoos jirta, laakiin maanta waa gobol isagu is-wadaya, wixii gobol lahaan jiray ama heli jirayna helaya, dawladda iyo shacabkeeduna ay heegan ugu jiraan inuu la jaan-qaado gobollada kale.”

Mar Xildhibaan Koore uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay jiraan dad badan oo reer Taleex ah oo ka soo horjeeda Siyaasad ahaan Qaranka Somaliland, isla markaana aamminsan Siyaasadaha Maammulada la baxay Khaatumo iyo Puntland, sidaa awgeed, sidee loo odhan karaa dadka reer Taleex wax bay ka wada beddeli kartaa magacaabista gobolka Xaysimo, waxa uu yidhi; “Horta la waayi maayo qof iyo laba fikir kale qaba. Laakiin, dadka gobolka intiisa badan way ka bedelaysaa, waanay soo dhaweeyeen in gobol iyo afar degmo loo magacaabo, Dadka Wax-garadka ah, Siyaasiyiiinta ah iyo Madax-dhaqameedka ah dawladda iyo annaguba waannu isla qaadannay magacaabistan waanannu soo wada dhawaynaynaa. Laakiin, ma odhan karo cid diiddani ma jirto oo waa la soo heli karaa…”

Ciidanka Qaranka Somaliland oo markii labaad sannadkan bishii hore la wareegay gacan-ku-haynta magaalada Taleex, ayaa Jimcihii hore dib uga soo baxay halkaas, ka dib markii sida la sheegay ay dawladda Somaliland culays iyo cadaadis badan saareen dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo dalbaday inay Somaliland Ciidankeeda dib uga soo qaaddo magaalada Taleex. Sidaa daraaddeed, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo aan weydiiyey maaddaama oo aanay caalamkuba Somaliland ku taageersanayn in xataa Ciidankeedu joogaan Taleex iyo Xuduudaha ka shisheeya ee ay Soomaaliya la wadaagto, miyaan la odhan Karin macno weyn kuma fadhido magacaabidda gobolka Xaysimo ee Caasimadduusu Taleex noqonayso?

Waxa uu ku jawaabay; “Maya lama odhan karo macno kuma fadhido, ee annaga magacno wayn ayay dad ahaan iyo dawlad ahaanba noogu fadhidaa inay Taleex noqoto gobol buuxa. Ciidanka Somaliland marka uu tegayey Taleex waxa uu u tegayey waxay ahaayeen keliya laba arrimood: 1- Colaad halkan ka jirtay Beelo reer Somaliland ah oo Taleex deggay u dhaxaysay inay Ciidammada iyo dawladda Somaliland ay gacan ka geystaan xal u heliddeeda. 2- Ta labaad inay dadka Maamulka sheeganayey (Khaatumo) ee meesha (Taleex) joogay ay iskagaga tagaan, labadaana waa lagu guulaystay. Immikana kama foga Ciidanka Qaranku oo waxa uu deggan yahay Xuddun, Ciidan la Qarameeyey oo Deegaanka u dhashay oo Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsanina wuu joogaa Taleex, waanu joogayaa. Waxa muhiim ah in dadka la tuso inay reer Somaliland yihiin iyo inay helaan xaqii Somaliland 21-sano kaga maqnaa Boqolkiiba boqol sida ay gobollada kale ee dalka Somaliland-ba u helaan xaqooda hadday nabadgelyo tahay, hadday waxbarasho tahay, hadday cod-bixin doorasho tahay, hadday maamul-daadejin tahay, hadday caafimaad tahay, hadday biyo nadiif ah tahay iyo hadday mashaariic horumarineed tahay-ba.”

“Runtii anigu waxaan qabaa in wax-qabadkii oo dhami gobolka hoos-imanayo, oo hadday tahay Xafiisyada dawladda oo gobolka la keeno oo degmooyinka la magacaabay la dhiso oo mashaariicda horumeed iyo dhisme ahaan la dhammaystiro, hawshaas oo dhami maanta ayey bilaw tahay, waana la wadayaa inta la dhammaystirayo, guul-na waa laga gaadhayaa Insha ALLAAHU si dhaqso ah sidaannu rejaynayno.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo sii watay hadalka jawaabta uu ka bixiyey su’aasha kor lagu weydiiyey.

Waxa uu Mudane oo Koore oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa uu Xildhibaan ahaan saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyey u joogo Taleex, waxa uu yidhi; “Nabadda ayaa ugu muhiimsanayd, colaad soo jiitantay iyo qaabkii Maamulka loo hirgelin lahaa ayaa ka mid ah waxaan u joogo Taleex, bilaw baannu nahay Odayaashii iyo dhinacyaday khusaysay waannu isugu yeedhay oo meel fiican bay wax noo marayaan, ta dhismaha Maamulka ee gobolkuna waa bilaw, annaga oo Xukuumadda Somaliland kaashanayna waannu ku dedaalnay, waanannu ku dedaalaynaa dhammaan hirgelinta arrimahaas.”

Mar uu Xildhibaan Saleebaan ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey qodobbo la sheegay in laga soo saaray labada Beeleed ee reer Taleex ee Colaaddu u dhaxaysay iyo waxa uu nuxurkoodu yahay, waxa waxa uu yidhi; “Qodobbadaasi way jiraan, Niman Garaaddo ah iyo Niman Wadaaddo ah ayaa ku jira, labada qaybood-na iyagaa u kala dab-qaadaya, annaguna talo, tusaalo iyo wixii aannu la qaban karno dawlad ahaan diyaar baannu ula nahay. Qodobbadaas waxa ka mid ah in la wadahadlo oo la isla afgarto oo nabadgelyada laga wada shaqeeyo.”

Dadka qaar ayaa ku doodaya inaanu dhaqaale ahaan isu bixin Karin gobolka cusub ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo shalay u magacaabay Xaysimo oo xaruntiisu tahay Taleex, isla markaana magacaabistani tahay qancin iyo in cid la raalli-geliyo. Haddaba, aragtiyaha sidaa odhanaya waxa uu kaga jawaabayayo waxaan su’aal ka weydiiyey Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo yidhi; “Taas ma qabo aniga iyo in badan oo ila mid ahi, fikirkana waa lagu kala duwan yahay, waanay jiri karaan dad aragtidaas iyo kuwo ka duwanba qabaa. Laakiin, gobolkan Xaysimo ee xaruntiisu Taleex tahay, waa gobol ballaadhan oo Xuduudo ballaadhan leh oo Kastammada Xuduudaha uu leeyahay baa dhaqaale badan soo saari kara, waa dhul ka mid ah deegaannada ugu Xoolaha badan dhulka Somaliland ama Soomaalidaba, waa gobol u baahan in Maamul ahaan loo dhiso, Manaafacaad badanna laga dheefi karo marka dhismaha Maamulka loo dhammaystiro.”

“Ta aad leedahay Boolis ma joogo oo Cashuuri kama soo baxdo, waxyaabahaasi waa arrimo farsamo, dawladda iyo hay’ad kasta oo ay khusaysana waannu ka wadahadalnay, Wasaarad kastaa waxay keenaysaa Xafiisyadeeda heer gobol iyo degmo, Ciidanka Boolisku wuu imanayaa, dhammaan arrimahaa farsamo waa la dhammaystirayaan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey inta ay qaadan karto in Ciidan Boolis iyo Hay’adaha dawladda laga hawlgelinayo magaalada Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo iyo degmooyinka hoos-tegayo oo aanay hore u joogin Hay’adaha dawliga ah iyo Ciidanka Shacabka la hawlgala ee Booliska midkoona.

Waxaanu Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Taleex, waa mid ka mid ah Caasimadihii ugu horreeyey ee Afrika, waa meeshii ugu horreysay ee taariikhdu markay ahayd 1918-kii illaa 1819-kii laga dagaallamo Diyaarad waagii Sayidka, dhulka Soomaalida iyo Afrika dalal badan oo ka mid ah-ba, waa magaalo magac, taariikh iyo maamuus ku leh dunida oo meelkasta caalamka laga yaqaanno, Somaliland-na magac iyo sumcad bay u tahay in ILLAAHAY Taleex dalkeeda ka dhigay oo ay maantana noqotay gobol buuxa oo ka mid ah gobollada kale ee Somaliland halkii ay markii hore degmo Sool ka tirsan ka ahayd, wixii ka dhimanna dawladdu diyaar bay ula tahay inay ka hirgeliso dhinac kasta oo ay tahay-ba sida gobollada kale dalka looga hirgeliyey.”

Gebo-gabadii Xildhibaan Koore, waxa uu soo jeediyey oo uu yidhi; “Waxaan soo jeedin lahaa in laga wada shaqeeyo Maamul-fudinta iyo dhaqaajinta Maamulkan heer gobol, degmo iyo Somaliland ahaan, dadka deegaankan waxaan u soo jeedinayaa inay dawladdooda wax la qabsadaan oo ay nabadgelyada iyo horumarka ka shaqeeyaan oo ay la tartamaan gobollada kale ee dalka Somaliland oo ay kula tartamaan aqoon ahaan, nabadgelyo ahaan, horumar ahaan, dhisme ahaan iyo inay noqdaan gobol si dhakhso ah u soo gaadha gobollada dhiggiisa ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee kagaga wada horreeyey, horumarka dhinackasta leh oo ay nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada, midnimada, isku-duubnida iyo wada-jirku qayb ka yihiin. Aniga oo Afka dadka reer Taleex ku hadlayana waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Somaliland iyo dawladdiisa, waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa shacabka reer Taleex ee soo dhaweeyey in gobol iyo afar degmo loo magacaabo, waxaan leeyahay guul iyo gobannimo.”

XIGASHO: HIMILO