“Gobolka Sanaag Waa Mid Dib u Dhacay oo Ummadiisu Isku Muuqdaan” Wasiir Caddami

Ceerigaabo,(SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wsaraaddda Gaashaan-dhigga Somaliland  Axmed Xaaji Cali Cadami oo ay ka mid yihiin xubno Wasiirro ah iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa gaadhay isla markaana si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Axmed Cali Xaaji Cadami oo ka hadlayay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo iyo ujeedada socdaalkooda ayaa yidhi. “Aad baan ugu mahad celinayaa dadkan na soo dhaweeyey,  waxaanu isku soo beegmay maalin qaaliya oo Ramadaan dhammaadkeedii ah  oo dadku cibaadaysto oo masaajidada ictikaaf lagula jiro oo annagoo gurmad ah oo daynayna inaan  ummadaa Ceerigaabo wada degta ee walaalaha  ah oo ALLE is baday ay si wada fiican u wada ciidaan, waxaana u soconay arrimo nabad-galyo, inaanu nabad-galyada wax ka qabano ayaanu u nimid,”ayuu yidhi Cadami.

Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac,ayaa isna si weyn ugu  mahad celiyay dadwynihii soo dhawayntooda uga soo baxay magaalada Ceerigaabo “Dadka halkan nagu soo dhaweeye aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa, gobolka waxaanu ugu socnay uun arrimo nabad-gelyo, inaanu nabad-gelyada wax ka qabanno, waxyaabo jira imika inaanu xoojino sidii nabad-gelyada wax looga qaban lahaa, magaaladan Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag,  waa gobol dib u dhacay iyo dadkeeda oo aad moodo xagii ay gobolada kale la tartami lahaayeen inay iyagu isu muuqdaan, waxa kale oo aanu u soconaa inaanu idinla ciidno annagoo ka wakiila madaxwayaha jamuuriyada Somaliland iyo xukuumada oo dhan” ayuu yidhi Wasiirka khayraadka Biyuhu.