Gobolka Maroodijeex oo ku guulaystay tartankii Kubadda Cagta, Kubadda Koleyga & Orodka, Abaal-marinnadii la bixiyey, Shakhsiyaadkii iyo Shirkadihii billad-sharafta la guddonsiiyey

Burco, (SLpost)- Kulan ciyaareed aad u xiiso badan oo lagu soo gunaanadayey tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland ayaa maanta ka dhacay garoonka uu tartanku ka socday ee Alamsy stadium kaas oo ay isku haleeleen gobollada Maroodi-jeex iyo Hawd, kaas oo ay guushu ku raacday gobolka Caasimaddu ka dhisan tahay ee Maroodi-jeex isla markaana hantay koobkii gobollada JSL.

Ciyaartan Final-ka ay isugu soo hadheen labadan gobol oo ahayd mid aad u xiiso badan ayey qaybtii hore ee ciyaarta gobolka Maroodijeex keensadeen goolkii ay ku guusha ku qaadeen waxaanay ciyaartu ku dhammaatay 1-0 taas oo soo gebo-gabaysay tartankii gobollada ee socday muddada 18 maalmood ah.

Waxa daawashada ciyaarta ka soo qayb-galay madaxweynaha jmahuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, waxaanu madaxweynuhu guddoonsiiyey billado kala duwan iyo koobab ciyaartoyga labada gobol.

Waxa kale xusid mudan in abaal-marinno la guddoonsiiyey ciyaartoygii kale eek u guulaystay tartannada kale ee kubadda Kolleyga iyo Orodka kuwaas oo iyagana ay ku guulaysteen ciyaartoygii ka socday gobolka Maroodi-jeex, iyada oo tartanka orodka ay kaalinta labaad ka galeen gobolka Togdheer halka kubadda kolleyga ay ka qaateen gobolka Hawd.

Sidoo kale, waxa xusid mudan in shirkadda SOMTEL ay abaal-marinno guddoonsiiyey ciyaartoygii dhaliyey goolkii  horreeyey ee kubadda cagta, ciyaartoygii ugu goolasha badnaa oo labaduba ay ka tirsan yihiin gobolka Maroodijeex iyo weliba ciyaartoygii ugu ciyaarta iyo akhlaaqda wanaagsanaa.

Shirkaddu waxay guddoonsiisay baabuur ciyaartoygii dhaliyey goolkii ugu horreyey, halka ciyaartoygii ugu goolasha badnaa laga gudoonsiiyey abaalmarin ay shirkaddu ugu talo-gashay.

Sidoo kale waxa koob la guddoonsiiyey xulkii ugu ciyaarta wanaagsanaa oo noqday gobolka Sool kaas oo  lagu wareejiyey tabobaraha xulka gobolka.

Guddiga qaban-qaabada ciyaaraha gobollada Somaliland ayaa iyaguna soo saaray liis ay ku taxan yihiin shirkado iyo shakhsiyaad ay shahaado sharaf ugu talo-galeen kuwaas oo uu madaxweynaha Somaliland guddoonsiiyey. Waxaana ka mid ah shirkadda SOMTEL oo suurto-galisay inay telefishannadu si toos ah u soo tabiyaan kuwaas oo ay ka mid yihiin telefishannada SLNTV, Horn Cable TV iyo Universal TV oo iyaguna ka mid ah shirkadaha billad-sharafta la siiyey. Waxa kale oo ka mid ah idaacadda Radio Hargeysa, shirkadaha TELESOM, DAHABSHIIL, SOMCABLE , KAAH ELECTRIC, INDHA-DEERO GROUP.

Dhacdooyinka lama ilaawaanka ahaa ee ay ciyaaraha Gobolada Somaliland intii ay socdeen lagu arkeyey waxa ka mid ahayd iyada oo Somaliland iyo caalamka si toos ah looga daawanayey ciyaarahan, isla markaana ciyaaryahano badan magacyadooda aad loo bartay sida loo barto ciyaaryahanada Yurub oo kale, waxaana ay taasi ku dhiirigelin weyn u noqotay da’a yar badan oo dib u bilawday xiisihii ay hayeen ciyaaraha Somaliland, iyada oo ay dhiirigelintaasi hirgeliyeen Warbaahinta ay ugu horeeyaan Tv-yada af Somaliga ku hadla, Radio Hargeysa, Wargeysyada Magaalada Hargeysa ka soo baxa, Website-yada oo iyaguna si toosa u daabacayey qoraalada kala duwan marka ay ciyaaruhu socdaan.

Sida loo kala helay Abaalmarinadii kala duwanaa ee ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Gobolka Maroodi Jeex : Gobolka Maroodi jeex ayaa ku guulaystay Koobabkii Kubada Cagta iyo Kubada Kolayga, isaga oo laba Kooba ka qaaday Gobolka Hawd. Ciyaartii Kubada Cagta ayaa Gobolka Maroodi Jeex kaga Guulaystay Hawd 1-0.

Kubadii Kolaygana waxa uu kaga guulaystay 65-gool iyo 54-gool. Sidoo kale waxa uu Gobolka Maroodi jeex ku guulaystay ciyaarihii Fududaa waxaanu helay 62.

Gobolka Hawd ayaa isna kaalinta labaad soo galay isaga oo ku guulaystay Koobabkii labaad ee Ciyaarihii Kubada Cagta iyo Kolayga. Gobolka Togdheer ayaa Ciyaarihi Fududaa kaalinta labaad ka soo galay waxaanay heleen 31 dhibcood.

Gobolada kale ayaa ka helay Ciyaarihii Fudadaa sidan :

1-Maroodijeex 62 dhibcood

2-Togdheer 31 dhibcood

3- Saaxil 24 dhibcood

4- Hawd 16 dhibcood

5- Awdal 14 dhibcood

6- Gabiley 11 dhibcood

7- Sanaag 6 dhibcood

8- Sool 5 dhibcood

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net