Gobolka Maroodi-jeex Oo Markii Labaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaystay Horyaalka Kubada Cagta Gobolada Somaliland

MaroodijeexHargeysa (SLpost)- Kooxda Maroodi Jeex ayaa hantiday markii labaad oo xidhiidh ah koobka kubada cagta ee Gobolada Somaliland, kadib markii ay ciyaartii gunaanadka gool-kulaad (rigoodhayaal ) 6-5 kaga guulaysteen kooxda kubada cagta ee Gobolka Hawd.

Ciyaar si weyn loo sugayay oo ahayd midii ugu dambeysay ee lagu soo af-meerayay tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa garoonka Hargeysa Stadium ku dhex martay labada xul, taas oo wakhtigii loogu tallo gallay ku soo dhamaatay 0-0, sida sharcigu dhigayana loo dhigay rigoodhayaal.

Xulka gobolka Maroodi Jeex ayaan lumin lixdii kubadood ee ay ku ganneen goolka gobolka Hawd, halka xulka gobolka hawd uu lumiyey kubadii ugu dambeysay ee ay ku laadeen gool-hayaha xulka Madoodi Jeex.

“ Guul bay u wada tahay umadda Somaliland, in ciyaarihii nabad inoogu dhamaadeen,  waxaan hambalyeynayaa dhamaan shacabka Somaliland , gaar ahaan dhalin yaradii ciyaaraha ka qayb gallaysay.” Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka Cadaalada Somaliland ayaa sidaas yidhi mar uu saxaafada kula hadlayay badhtamaha garoonka Hargeysa Stadium, wax yar kadib markii biladaha la gudoonsiiyey xulalkii labada ahaa.

“Waxaan labada xul ku qiimayn karaa , Barcelona iyo Manchester oo isku haleelay ciyaar koob la kala qaadayay… labada xulba waan hambalyeynayaa,  xulka hawdna waxaan leeyahay sanadka dambe ayaad ku guulaysan doontaan…… waxa kale oo aan aad u hambalyeynayaa kooxdii kubada gacanta ee xallay ku guulaysatay koobkii kubada gacanta ee gobolada Somaliland, aad baan u amaanayaa runtii waxay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan xallay waan daawanayay” sidaana waxa yidhi  wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicaziiz Maxamed Samaale.

Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland oo isna kamid ahaa masuuliyiintii goob-jooga ka ahay ciyaaraha ayaa amaanay ciyaartii ay labada kooxood soo bandhigeen hambalyana u diray labada xul ee Hawd iyo Maroodijeex.

Wasiirka ciyaaraha Somaliland, ayaa gudoonsiiyey koobabkii  kubadaha Gacanta iyo Lugta ee ay ku kala guulaysteen xulalka Gobolada Gebilay iyo Madoodi Jeex.