GOBOLKA HAWD: Guddida Doorashooyinka iyo Badhasaabka oo Socdaallo ku kala bixiyey Deegaamada Gobolka

Baligubadle (SLpost)- Gudoomiyaha Guddiga Komishanka Degmada Balli-gubadle Mud. Xuseen Xasan Muxumed oo ay weheliyaan  Xoghayaha iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga ayaa  maanta Kormeer ku soo maray Todoba iyo labaatanka Goobood ee Cod-bixinta  u astaysan ee Gobolka Howd si ay u sii diyaariyaan  ka hor inta aan la gaadhin waqtiga Doorshada Golayaasha degaanka ee foodda inagu soo haysa.

Guddoomiyaha  iyo masuuliyiinta  wehelisay   intii ay marayeen  Goobahaasi  oo ku kala yaala magaalooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Hawd, waxa ay  kulamo la yeesheen dadweynaha Goobahaasi degan. Waxaanay u soo jeediyeen  in ay  ku dedaalaan  sidii ay u xoojin lahaayeen amaanka., waxaanay  uga xog-warameen  ujeedada kormeerkoodu  la xiidhiidho oo ay sheegeen in uu ku salaysan yahay sidii ay u sii diyaarin lahaayeen  goobaha u astaysan codaynta   doorashooyinka iyo xog-ogolaan u noqoshada degaanada  gobolka  ee dad iyo duunyaba.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Sayla iyadoo ay wehelinayaan xoghayaha gobolka Maxamed Cali Bade iyo taliyah qaybta booliska Mahad Maxamed Shaqale iyadoo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho u kuurgalka Xaalada Amni iyo soo afjarid Khilaaf.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Maamulka Degmada iyo Qaybaha bulshada waxa uu booriyay inay ka taxadiraan wax kastoo khilaaf ku keenaya deegaanka degmada Sayla isagoo intaas ku daray in wixii la isla fahmi waayo ay maamul ahaan diyaar u yihiin inay wada hadal ku wada dhamaystaan.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd waxa uu kula dardaarmay qaybaha Bulshada iyo maamulka Degmadaasi inay xil iska saaraan sidii ay u soo bixin lahaayeen Wixii Cashuuro ah ee Xukuumada dhexe ku leedahay.

Dhinaca kale Maayar ku xigeenka Degmada Bali gubadle   Cabdi Guray Iimaan Jaamac iyo Isu duwaha Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka Hawd Iid Ciise Aw Jaamac ayaa ka gudoomay qalab dhinaca Isboortiga ah Muwaadinad Khadra Yuusuf Cige oo ugu soo deeqday dhalinyarada ku hawlan mihnada ciyaaraha qalab wax badan ka taraya baahida dhinaca Ciyaaraha.

SOMALILANDPOST.NET