Gobolka Gabiley : Falanqeynta Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Aragtida ay Ka Dhiibteen Dadweynuhu

Gabiley (SLpost)- Dadweynaha kunool Guud ahaanba Gobolka Gabiley, ayaa Magacaabistii Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha loogu magacaabay Xoghayihii Gudida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Nuur Caraale(Duur),faalooyin kala duduwan diirada ku saarey
falanqeynta Xildhibaanka, iyo sida u ugadan karo howsha culus ee asaarada Arimaha Gudaha oo ah Wasaarad miisaan leh oo ka masula arimaha ugu xasaasisan dalka.

Hadaba Magacaabistii Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland uu ku magacaabay Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xilkdhiban Duur oo ka tirsanaa Xubnaha  Golaha Wakiilada Somaliland ayaa markii warkaasi soo gaadhay dadweynaha kunool Degmooyinka Gobolka
Gabiley, waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen halka u Madexweynuhu kasoo xulay Wasiirka oo ah Golaha Wakiilada ay dadweynuhu soo doorteen, oo khusuusan Gobolkan Gabileyna ay jiraan arimo badan oo dadweynuhu xiliga Xukumadan ku dhaliilsan yihiin xubnaha Golaha Wakiilada kaga jira Gobolkan, gaar ahaan ragii iyagoo, mucaarid ah ay sida adag ku soo doorteen, o laga yaabo in ay sigaar ah isugu dhow yihiin mar kastaba xubintan Wasiirka loo magacaabay oo isaga oo Xisbiga UDUB katirsan ahaa xubnaha badheedhahooda ku taageeray Xisbiga talada haya hada ee Kulmiye, taas oo macanheedu yahay in aanu jiriun isabdel rasmi ah oo wax ka badeli kara caqabadihii Wasiirkii hore ay kaga faa,ideysteen Xildhibaanada ay dadweynuhu tuhunsan yihiin ee kasoo baxay Xisbiga Kulmiye.

Caqabadahaas, oo marka hoos loogu dhaadhaco, ay kamid yihiin Magacaabista Maamulada Degmooyinka Alleybadey iyo Tog-Wajaale, oo magacaabistooda ay gacan ku lahaayeen Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ee Gabiley ugu jira Golaha Wakiilada, oo iyagu ragaas u geeyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha iska casiley Dr Maxamed Cabdi Gaboose, kuwaas oo ay dadweynuhu ku eedaynayaan mudadii sanadka aheyd ee ay xilka hayeen oo aanay far cidideed waxba ka qaban
habayraatee,waxyaabihii laga filayay in ay maamul ahaan uga faa,ideystaan isbadelka cusub oo dadweynuhuna diyaar u ahaa si hagar la,aan ahna ay mudadaa  u bixiyeen lacagihii cashuurta oo ka badnaa boqolkiiba sagaashan tii awal hore la bixin jirey, arimaha danta Gud ee ay sida weyn laabta ugu hayeen bal in ay haba yaraadaane waxuun ka qabtaan kuwa halbowlaha u ah.

Tusaale ahaan, guud ahaanba dadweynaha Gobolka Gabiley waxay sigaar ah isha ugu hayeen iyagoo, Golaha Deegaanka Degmada Gabiuley, siweyn ugu dhaliilay in ay ka hor yimaadaan Gabadhii ku kow iyo labaatanka aheyd , oo dahkligii caadiga ahaa ka qabatey xiligan wax la taaban karo iyadoo, aanay jirin boqol shilin oo meel kale uga yimi sida ay iyadu sheegtay, hadaba waxyaabaha ugu muhiimsan ee sida weyn la isku weydiinayaa waxa ay yihiin Xubanaha Golaha Wakiilada kaga jira Xisbiga Kulmiye, ee kasoo jeeda Gabiley sababta ay ilaa iyo maanta  indhahodu u  qaban waayeen dib u dhaca iyo gaabiska ka yimid Mamuladii ay u dhiibeen Degmooyinka Alleybadey iyo Tog-Wajaale, islamarkaana, ay u hambalyeyn waayeen Waxaqabadka kooban ee hordhaca u ah Maamulka Cusub ee Golaha Deegaanka Degmada  Gabiley ee,  mudadii ay Haweenayda Khadra Xaji Geydh xilka haysay ka fulisay Gudaha Magaalada Gabiley.

Jawaabta su,aashaasi anigoo u dhaafaya dhinaca dadweynaha aan dib ugu noqdo cabashooyinka hadhbeelay ee ay shacbiga kunool Degmooyinka Alleybadey iyo Tog-Wajaale oo aan wali Maamulada Degmooyinkaasi ka arag waxqabadkii ay ka filayeen intuu doonaba ha noqdee waxa kamid ah
sidan.
“Markii isabdelku dhacay Maamulkii hore ee Degamada Tog-Wajaale inyar kadib aytaa la taxaabay, iyadoo lagu eedaynayo hanti lunsi, dadweynuhuna rajada ay qabeen waxey aheyd mid maanta sawir kale
yeelatay, bilowgii Tog-Wajaale Maamulkii sida laga warqabo ay keeneen ee ay Degmada usoo xuleen raga kubarada Golaha Wakiilada ahi waxa u qufulo la dahacay dadweynihii usoo dacwad tagey waxaanu ku darey kii layaabay ee yidhi Maamulku gacantiisa shacbiga kuma dilo, taasiba ha joogtee waxa ay kasii dartey markii aanu ugu tagnay sadex nin oo deyni kga maqneyd Maamuladii hore oo Degmada wax loogu qabtey, aniga wqaxa uu igu yidhi Gudoomiyaha Tog-Wajaale Xaashi Muxumed, waxaan deyntoodii
siinayaa labadaa nin ee Ma mulkii Cumar Qaasaali hantida kulahaa haseyeeshee, bixin maayo tii Qawrax ee adigu aad laheyd, waxaana af kala qaad igu noqoatay habdhaqanka isabdelkii kasoo baxay, waxaanan leeyahay waxba iskamay bedelin kuna keeni mayso isabdel arintaasi,
hadiiba Wasiirka cusub ee Arimaha Gudaha laga keenay Golaha Wakiilada,eee Tog-Wajaale usoo xulay Maamulkaasi maanyta oday iyo islaanba laga fajacsan yahay”Sidaa waxa yidhi Axmed Mawliid Muumin oo sigaar ah farta ugu fiiqay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale kana mida ah, Ganacsatada Tog-Wajaale.

“Waxaan u maleynayaa halka ay wax ka qaldan yihiin waa ragii aanu dooranay ee Golaha Wakiilada ugu jira Gobolkan Gabiley, gaar ahaan ragii Xisbiga Kulmiye waayo, majirto mid qudha oo kadaba yimid ragii
ay Dr Gaboose u keeneen hadaanay wax uga hooseyn, manay soo hadal qaadin Maayarka Gabiley, ee waxa kooban qabtey takalana wada kolay isabdelka Wasiirkan kayimid Golahaasina kama filayno isabdel uu wax kaga qaban karo caqabadaha Xildhibaanada saaxiibadii ahi ku leeyihiin,
Gobolka Gabiley”Sidaana waxa yidhi Maxamud Cabdi oo kamid ah dadweynaha reer Gabiley.

Sikastaba ha ahaatee, mayareyn falanqeynta ay bulshada Gobolka Gabiley, ku rogrogaysey isabdelka cusub, ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo cabashooyinka ay ka muujinayeen Maamuladii, u  Degmooyinka Gobolka Gabiley, usoo magacaabay Wasiirkii isa casilay oo ay gadhwadeen ka
ahaayeen xubno katirsan Golaha Wakiilada oo Gabiley uga soo baxay xisbiga talada haya., taas oo xiligana saadaasha ay dadweynuhu ka filayaan Wasiirka cusub ay u badan tahay in uu ixtiraami doono rabitaanka saaxiibadii.

Somalilandpost.net

Cabdiraxmaan Hiiraan

Gabiley

hiiraan2007@hotmail.com