“Gobol Wal Iyo Goob Wal Oo Jamhuuriyadda Somaliland Ah Hawluhu Waxay Uga Socdaan Si Fiican, Cod Bixintuna Waxay U Socotaa Si Habsami Ah, Amniguna Guud Ahaan Waa Sugan Yahay.” Wasiirka Madaxtooyada

Hargeysa (SLpost) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in guud ahaan dalka ay doorashadii Madaxtooyadu saaka uga bilaaban tahay si nabad ah, ilaa hada ay u socoto si habsami leh.

Mudane Xaashi oo ka mid ahaa Masuuliyiin uu hor kacayey madaxweyne Axmed Maxmed Siilaanyo oo maanta codkooda ka diibtay xarunta Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa sheegay in doorashadani ay sumcad weyn u leedahay Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi “ Farxad weyn ayey ii ahayd inaan maanta codkayga ka dhiibto xarunta hay’ada shaqaalaha dawladda ee caasimada Hargeysa, gobol wal iyo goob wal oo Jamhuuriyadda Somaliland ah hawluhu waxay uga socdaan si fiican, cod bixintuna waxay u socotaa si habsami ah, ammniguna guud ahaan waa sugan yahay, sharaf weyn ayey qarankan u tahay in doorashadii Madaxtooyada 13 Novemeber/2017-ka ay si habsami ah u socoto, waxaannu rajaynayaa inay sidaa si la mid ah ku dhammaato.”

11 codaynta (1)Wasiirka Madaxtooyadda ayaa intaasi ku daray “ Waxa ay arintaasi muujinaysaa bisaylka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay muujinaysaa qarankani sida uu isu tashaday, iyada oo wadamo badan oo la aqoonsan-yahay aanay heerkaa gaadhin, Somaliland waa dal madax-banaan hasayeeshee aan wali la aqoonsan. Doorashadu waxa ay ka socotaa 1642 goobood oo dalka ah, intaan xog-ogaalka ka ahay, ilaa hada sadex goobood ayaa tiradaa ka baaqday, sadexdaas gooboog guddiga doorashooyinka ayaa hakiyey sababo darteed. Doorashadani sumcad weyn ayey qarankan u tahay, Madaxweyne Siilaanyo sumcad weyn ayey u tahay, Xukuumaddayadana waxay u tahay sumcad weyn, xisbiga KULMIYE ee talada dalka hayana sumcad weyn ayey u tahay.”

1Mudane Maxamuud Xaahsi ayaa sidoo kalena baaq u diray bulshada Somaliladn waxaanu yidhi  “ Waxaannu rajaynaynaa inay guul ku dhammaato, shacbiga Somaliland waxaannu ku hambalyeynaynaa dedaalka iyo bisaylka, guddiga doorashooyinka qaranka waannu boggaadinaynaa, ciidamada ammniga ka shaqaynaya waannu boggaadinaynaa, waa u mahad-naqyanaa shacbigana waxaannu leenanay codeeya, si buuxdana doorashada ugu qayb qaata, nabadgalayna ilaaliya oo la shaqeeya ciidamada amaanka ku hawlan.”