Gobanimow! Yaa Ku Garan Kara? – W/Q: Prof Cabdisalaan Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Xilligan ay Somaliland marayso, ee aynu ka hadlayno madaxbanaanida Somaliland ama madaxbanaanida iyo gobanimada (independence and sovereignty) Somaliland, waxa isweydiin mudan, gobanimadu maxay tahay? Aniga oo isku deyaya weydiintaa warcelinteedii inaan helo, ayaa maankayga doodani ku dexmartay “Gobanimo” iyo “Geeraar”.  Bal aan idinla wadaagee, ila eega.

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Geeraar:     Gobanimow! yaa ku garan kara? Yaa ku goyn kara?

Geel iyo adhi, guunyo oo dhame, kuma goysee, yaa ku goyn kara?

Gawaan dahabiyo gini lacaga ahi, kuma gooyee, yaa ku goyn kara?

Yaa ku garan kara?

Yaa ku geyi kara?

Yaa ku gadhoo, guudka sare iyo, gosha dhexe iyo, gunto hooseba,

Wixii galac lee, ku gadaamine, aanay la garanayn, Yaad u goysaa?

Geddee baad tahay? Ma geed baad tahay? Ma Gar baad tahay?

Ma galaydh iyo gogor baad tahay? Ma gamaan iyo gadiid baad tahay?

Geenyo furas iyo ma guul baad tahy? Mise gebo iyo godad hoosoo la galaad tahay?

Garaad-dheeriyo, garyaaqan iyo, gaar dumarkii, kugu guulay kumay garanine,

Yaa ku garan kara?

Is guhaadshoo , maankoodii gadee, ku may garanine,

Yaa ku garan kara?

Gobinimo:           Maqal Geeraar! In loo goohoo, lays guhaadshoo, gaas la kiciyoo, ay wax-garadkii,

Waxan ahay iyo warkay goobaan,  waa gedaydiyo gankan ahay iyo sirtan gunta dheer

een la gadhayn!

Geeridiid iyo fule goldidaa ima garan karo.

Dilaal gini iyo gambo lacag ahi wuxu goysaa ima garan karo.

Ganacsade aan ginigiisiyo guryihiisaba awgay u gudayn  ima garan karo.

Anaa geesiya, anaa guuto aha, anaa guunyo leh, anaa guud saroo aan la igaadhayn,

Anaa guluf iyo colaad geli kara, golaa shaahiyo, goormada qaad nin la guuxaa,

Ima garan karo.

Geeraar:              Haa dhe, Gobanimo! Sii gilgilatayay yaa ku garan kara?

Cirka gaadhayay yaa ku garan kara?

Gal aan gun lahayn oon la gaadhayn, geddii noqotee , yaa ku garna kara?

Gaalaa bixiyoo, isguhaadshoo, gees walba deyoo, kumaan garan, yaa ku garan kara?

Gobonimo:    Geeraarow hoy! Wax i garan kara ruux sidaad gama’ diidoo, u gadoodoo, garaad

Wacaniyo, hub ku gaadhoo, gelin hore iyo, goor habeenaba, gees kastay tahay,

Gaaf wareegoo, aan la gadi Karin.

Geeraar:              Sidaad garatiyo, hambalyadan guud, kaa gudoomee,

Guudka ka cadee, oo yaa ku garan kara?

Gobanimo:     Geeraarow hoy! Wax i garan nin god galayoo, geeri doortoo, gunimo iyo diiday gujadii.

Wax i garan kara guuto ciidan colaad nin geshoo, gibil diidoo, geesiyadu waday,

Gibin mooyee, wada go’ayoo, marna geeridii gees ka eegay, marna guushii gees ka Milicsaday.

Wax i garan  kara bulsho geerida u geeraartoo inaan la gumayn

Nolol guudka ah, godka hoosee geyigooda ah ugu go’antahay.

Kuu soo gaabshee, maqal Geeraar!

                                Waxan ahay geed, dhiiga geesigu, gunta yaaloo, u gasiinyahay.

                                Waxan ahay geyi, waxan gole,

                              Gabood baan ahay, gurguraan ahay,

Giddi maataad guudka saaroo, gaadhka hayoo aan la geli Karin.

Layma gooyoo, layma gadan karo.

                                Gaas baan ahayoo, guuto cidan layma gelin karo.

                                Gabay iyo hees uma guuxoo, layma soo galo.

Golahaygan waxan u goglaa,

                                Geesi miigiyo, bulsho gaatir ah.