Go’aankii Somaliland Dib Ugu Dhigtay Doorashada Baarlamaanka Oo Qaadhaan-bixiyayaashu Joojiyeen Dhaqaalihii Ay Ku Bixin-jireen

Hargeysa (SL.Post) Go’aankii ay Somaliland dib ugu dhigtay doorashadii golaha wakiilada islamarkaana ay ku kala qaaday labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada, ayaa sabab u noqday in dalalka qaadhaan bixiyayaashu joojiyaan lacagtii ay ku bixin lahaayeen qabashada doorashada madaxtooyada.

beesha

Dalalkan oo qaabilsan maalgelinta iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa go’aan ku gaadhay inay bixiyaan hal milyan iyo badh oo ka mid ah sagaal milyan iyo badh dollar oo ku bixi lahaa hawlaha doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaanay taasi keentay in lacag dhan 8 milyan oo dollar ku soo muruxsato xukuumadda Somaliland.

Go’aankan ay dalalka reer galbeedku gaadheen ayaa jawaab u ah talaabadii uu Madaxweyne Siilaanyo dib ugu dhigay doorashadii golaha wakiilada, waxaanay sida warku sheegay ay wadamadani ku doodayaan in dhaqaale badani kaga baxay hawlaha diiwaangelinta cod bixiyaha oo ujeedada loo sameeyay ahayd in labada doorasho mar la wada qabto. Laakiin haddii labadii doorasho mid ka mid ah dib loo dhigay ay Somaliland qabsato doorashada soo hadhay.

Lacagta dhan 8 milyan oo dollar ee ku soo hagaagtay xukuumadda Somaliland ayaa ah culays ku soo kordhay dalka, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan sheegay in xukuumadiisu isku tashan doonto islamarkaana lagu dedaalayo in lacagtaas ay xukuumad ahaan bixiyaan.

Qayb ka mid ah lacagtan ayaa ah kharashaadkii ay guddiga doorashooyinku ku geli lahaayeen wejiga labaad ee diiwanagelinta cod bixiyayaasha oo ah qaybinta kaadhadhkii cod bixiyaha ee lagu codayn lahaa maalinta doorashada.

Madaxweyne Rayaale ayaa bixiyay kharashaadkii ku baxay doorashooyinkii 2003 ee madaxtooyada iyo goleyaasha deegaanka oo ahaa kuwii u horeeyay ee ay Somaliland qabato, laakiin dalalka reer galbeedka ayaa maalgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland bilaabay sannadkii 2005 oo ahayd doorashadii golaha wakiilada.

Waxa ay bulshada siyaasdda falanqaysaa aad isu weydiinaysaa goobaha laga yaabo in xukuumadda Somaliland lacagtan ka soo saarto haddii ay dalalkani ku adkaystaan go’aankooda ay ku hakiyeen lacagtii ay ku maalgelin jireen doorashooyinka Somaliland, iyadoo la ogyahay culayska ay lacagtaasi ku tahay Somaliland.

Dadka qaarkii ayaa aaminsan in xukuumadda Somaliland iibin doonto qayb ka mid hantida guryaha ah ee ay dawladu leedahay si loogu bixiyo lacagtaas doorashada madaxtooyada lagu qabanayo, dad kalena waxa ay aaminsanyihiin in Madaxweyne Siil

aanyo socdaalkan uu hadda ku joogo dalka Imaaraadka Carabta uu amiirada dalkaas ka codsan doono inay ka caawiyaan Somaliland sidii ay doorashadaas u qabsan lahayd.

Ka sokow lacagta ay reer galbeedku joojiyeen inay bixiyaan, waxa kale oo iyana la isweydiin doonaa inay fulin doonaan barnaamijkii ay ku iib gayn jireen natiijada doorashooyinka Somaliland ka qabsooma oo ay bulshada caalamka u bandhigi jireen, ka dib marka ay doorashooyinka ku sameeyaan kormeer madaxbanaan.

 

Somalilandpost.net