Go’aankii Madaxweynaha Somaliland ee Qaadacaadda Shirka London, Miyaa la soo dhaweeyey Mise waa laga diiday?

Marka hore waxaan salamayaa dhamaan akhristayaasha iyo websityada Somaliland dhamaantood. Marka xigta waxaa mahad leh Allaha wayn ee ina abuuray.

Waxaa aan doonayaa oo aan qalinka u qaatay inaan wax ka yidhaahdo Qaadacadii shirka London in aan ka qaybgalno, Md Axmed Siilaanyo ayaa kasoo laabashaddisii safarkiisii u dambeeyay ee Turkiga , sheegay in aanay Somaliland ka qaybgalayn shirka London,hadaba Tan iyo Markii Madaxweynuhu qaadacay ka Qeyb galida Shirkaasi London, waxa isa soo tarayey hambalyooyin ay qaybaha kala duwan Bulshada ee Somaliland Iyo weliba dhaleecaynta xisbiga wadani oo ka dhan ah go’ankii Madaxweynaha uu ku diiday ka qeybgalka Shirka London.

Hadaba waxaan leenahay waa tallaabo habboon in Madaxweynaha Somaliland lagu ammaano go’aanka uu ku qaadacay ka qaybgalka shirkaasi arrimaha Soomaaliya  lagaga hadlayo ee ay dawladda Ingiriisku ku qabanayso magaalada London 7 bisha May ee sannadkan, ayaa ah  mid dawlada Soomaaliya loogu Ururinayo dhaqaale, isla-markaana ay wada gudoomin doonaan M/weynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska.

Isla-markaana waa  tallaabo geesinimo iyo ammaan uu ku mudan yahay madaxweynuhu , laguna tilmaami karo arin loo baahnaa , waayo waa mid ay garan karto ay ay iska cadadayd in shirkaasi aanu Somaliland khusayn , ayna iska lahayeen  Soomaaliyada aan jaarka nahay , madaama Xasan Sh. Maxamuud uu hoggaaminayo shirkaasi , markaa  Somaliland boosna ugama banaanayn.

Ugu-danbeyn Hadalkaasu waxuu ahaa mid dhamaan Bulshada  Somaliland ay ku qanacsantahay hadalkii madaxwayne Md, Axmed Siilaanyo taas  oo wadada u xaadhaysa , mid ku qotoma go,aanka umaddu ay ku dheagantahay,isla-markaana meel uga banaani aanay jirin shirkaasi , M/weynaha Somaliland waxa uu shacabkiisa u cadeeyey in uu qadiyada Somaliland si dhaba daacad ugu yahay.

Waxaan qabaa talaabo aad u fiican oo uu Madaxweynaheenu ku talaabsaday, Shir uu Madaxweynaha Somalidu guddoominayo in ayna suurtagal ahayn inaan dhex fadhiisano , isla markaana talaabo fiican ayay ahayd. Haddii caalamku jecelyahay inuu isu-keen keeno ,  iyaga iyo inaga qaddiyadeenu way cadahay, waxaanay noqonaysaa inaan inaga oo siman , aan is-horfadhiisano oo waxaynu ka wada hadli karnaa, yihiin  derisnimo iyo sidii loo wada noolaan lahaa wax iyagana kaga lumayaana ma jirto,  haddii ay Somaliland Qaran madaxbanaan noqoto, waa wax u soo kordhaaya, sidda jibouti oo kale.

Iyadoo muddo laga joogo 22Sano Sanadkii 1991 , ay ahayd markii dadweynaha Somaliland ay xoriyadoodii dib ula soo noqdeen , isla-markaana ay weli dadaal dheer ugu jiraan sidii  sidii Ictiraaf uu uga heli lahayeen Beesha Caalamka, mana dhacayso in ay wax tanaasula ka sameeyaan , ayna ka go,an tahay sidii Mar uun Somaliland ay aqoonsi caalami ah u heli lahayd ,isla-markaana waqti kasta ha qaadato.,waxaanay dadka s/land  caan ku yihiin dad qaddiyadooda markasta ku dhegan.

Somaliland ayaa iyadu intii ay taariikhda jirtay ka qeybgalin shir ay isagu imaanayaan Dhinacyada Soomaalidu marka laga reebo shirkii London ee Feb 23, 2012 , kaa soo ahaa shirkii ugu horeeye ee Somaliland ay ka qeybgasho, waxaana Shirkaas Somaliland uga qeybgalay Xisbiyada qaranka oo uu hogaaminayey Madaxweyne Md,Axmed Siilaanyo waxana Shirkaasi Lagu tilmaamaa in uu ahaa mid maqaamkii Jamhuuriyada Somaliland lahayd la siiyey.

Gaba-gabadii qoraalkeyga waxaa weli ina sugaya Qarankii aynu ku soo tacabnay ilaalintiisa iyo horumarintiisa, si loo gurto Midhihii,isla markaana looga gaadho hadafka ay umaddani jidka dheer u soo martay, waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa in tacabkaa dheer inoo xasiliyo, waxaan jecelahay inaan idin xasuusiyo halka uu maanta wadankeenu marayo iyo xaalada uu ku jiro iyo weliba hawsha inoo taala ee u baahan in loo wada tafaxayto,lana wada ilaaliyo.

waxaan ilahay ka baryayaa inuu ilahay quluubteena isku soo jeediyo oo aan Cadawgeena iyo danaheena markasta garano.

 

Adan Yusuf Elmi

Birmingham –UK