Go’aamo laga soo saaray Muran Ka Taagnaa Dhulka Masallaha ee Koonfurta Hargeysa iyo Wasiirro ka hadlay

Go’aamo laga soo saaray Muran Ka Taagnaa Dhulka Masallaha ee Koonfurta Hargeysa iyo Wasiirro ka hadlayHargeysa (SLpost)- Xukuumadda iyo Madaxdhaqameedka deegaanka Masallaha ee Koonfurta Hargeysa, ayaa si rasmi ah u soo afjaray muran muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa Dhulka Masallaha ee ku xeeran Gegida Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa Cigaal iyo Xerada Milateriga.

Wasiirrada Warfaafinta iyo Gaashaandhiga, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Madaxdhaqameedka iyo Guddida Horumarinta deegaankaasi, ayaa kulan ay maanta si wada-jir ah ugu yeesheen magaalada Hargeysa ku sii adkeeyey go’aan madaxweynaha Somaliland ka soo saaray dhulkaas oo uu ka dhigay mid dan-guud ah.

Wasiirrada iyo madax-dhaqameedka oo markii kulankaasi u soo dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegya in lagu guulaystay in la soo afjaray murankii ka taagnaa dhulkaas.

HALKAN KA DAAWO