Go’aammadii Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM ee ku qabsoomay Burco: 8/5/91kii – 4/6/91kii ~ Gudbinta: Boobe Yuusuf Ducaale

Waa Go’aammadii oo aan idiin ku soo gudbinayo sidii ay u qornaayeen. Waxa keliya ee aan raaciyay waa sawirrada qaarkood si’ aad uga buuxsataan indhaha oo warkii iyo sawirkii isula heshaan:

“Kal-fadhiga 2aad ee Caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM oo socday 8/5/91kii – 4/6/91kii, wuxu markii ugu horreysay taariikhda Ururka, qabsoomay mar gebi ahaanba Gobollada Woqooyi laga xoreeyay Taliskii Faashiga ahaa ee Siyaad Barre, oo uu weliba u bilaabmay Beelaha Gobollada waa-cusub, nabad iyo walaalnimo ku dhisan danta loo dhan yahay ee dadweynaha.

SNM, BurcoHawlaha Kal-fadhigu  waxay la kowsadeen marxalad cusub oo taariikhi ah soona food-saartay ururka iyo dawladda, taas oo si looga gudbo imtixaanka waqtiga ee adag, lama-huraan ka dhigtay in la dejiyo si hal-abuuritaan lehna loo dhaqan-geliyo istaraatejiyad cusub oo si macquul ah ula socota lana jaan-qaadaysa duruufaha cusub ee guud ahaanba hor yaalla halganka dadweynaha iyo xaqiijinta tayada leh ee ula-jeeddooyinka muddada dhow leh isla markaana halbowlaha u ah sal-u-dhigga iyo kobcinta hawlaha dhaqaale, kuwa bulsho iyo siyaasad ahaaneed iyo kuwa mudnaanta iyo ahmiyadda gaarka ah leh ee la xidhiidha sugidda amniga iyo xasilloonida dalka oo fure u ah dhisid kasta oo xukuumadeed iyo horumar kasta oo ijtimaaci ah.

Kal-fadhigu isagoo is-tusay in ay tahay in xaaladda adag go’aanno laga qaato ayuu si qoto-dheer u falanqeeyay heerka uu hadda marayo taxanihii taariikheed ee halganka SNM iyo tallaabooyinka ay tahay in laga qaado dhinac kasta oo saameeya nolosha bulshada Somaliland oo ay ugu horreyso arrinta Aayo-ka-talinta, taasi oo ahayd mid dareenka koowaad ku haysay oo dadwenaha saaqday, wele-wel weynna ku haysay, taasi oo laga gaadhay Go’aan ah in arliga Somaliland laga dhiso Dawlad madax-bannaan oo uu hoggaaminayo Ururka SNM (Eeg Go’aanka gaarka ah ee arrintan ku saabsan).

Sidaa awgeed wuxu kal-fadhigu Dawladda cusub u doortay Madaxweyne iyo Madaxwene-ku-xigeen oo kala ah: Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Guddoomiyaha SNM iyo Xasan Ciise Jaamac, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM iyagoo u kala sarreeya siday u kala horreeyaan.

Waxa kale oo uu Kal-fadhigu ansixiyay habkii dhismaha iyo golaha wasiirrada ee ay ka kooban tahay xukuumaddu oo ah 17 Wasiir taasoo muddo laba sannadood gudahood ah si dimuqraadiyadda waafaqsan dalka ugu diyaarinaysa nidaam ku dhisan axsaab badan, dejin dastuur Qaran oo afti lagu ansixiyo iyo qaban-qaabin doorashooyin madax-bannaan.

Kal-fadhigu waxa kale oo uu oggolaaday in la sameeyo Hay’adaha madaxa bannaan ee kala ah: Maxkamadda Sare, Xeer-ilaalinta, Hanti-dhowrka Guud, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddida Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Xidhiidhka Kaalmada samo-falka.

Kal-fadhigu isagoo arkay baahida loo qabo dhisidda Hay’ad Sare oo sharci-dejineed oo ah “Majlis-ta’siisi” (Constituent Assembly) ama Baarlamaan, ayuu si buuxda u oggolaaday hirgelinta fikraddaa isaga oo isla waafaqay in duruufaha gaarka ah ee lagu jiro awgood uu qaabka ku-meel-gaadhka ah ee fikraddaa camali lagaga dhigi karaa yahay in Golaha Dhexe ee Ururka (isagoo xilkiisii dastuuriga ahaa ee Ururnimo halkiisii ka sii wata) haddana uu isu beddelo Baarlamaan ku-meel-gaadh ah ama Gole-Qaran oo sharci-dejineed; iyadoo si la isugu dheelli-tiro miisaanka siyaasadeed ee qaybaha dalka la oggolaaday in Baarlamaanka ay ku soo biiraan xubno aan Golaha Dhexe ka mid ahayn oo tiradooda la isla gartay, inta ka horreysa 15/7/91ka, waqtigaas oo uu Baarlamaanku yeelanayo fadhigiisa ugu horreeya.

Kal-fadhigu isagoo qaadaa-dhigaya kaalinta cusub ee ay tahay in Ururka oo ah hormoodka siyaasadeed ee muran-la’aaneed, uu ka ciyaaro nolosha ijtimaaciga ah ee ruuxiga (spiritual) iyo maaddiga (material) ah, wuxuu Kal-fadhigu ka qaatay go’aammadan:

Caqiidada Islaamka:

Maa daama dadka Soomaaliyeed 100% yihiin dad muslim ah, maa daama uu nidaamkii dulmiga ku dhisnaa ummadda dahaqan-xumo ku beeray, wuxu Kal-fadhiga Golaha Dhexe ee SNM go’aamiyay in xukuumaddu ay fuliso Shareecadda Islaamka iyo qiyaamka bilicsan;

Ammaanka iyo nabadgelyada Beelaha:

Iyadoo ay nabadgelyada iyo amnigu yihiin saldhigga nolosha la’aantoodna aanay si’naba suurto-gal u ahayn in la helo maamul tub toosan haysta iyo horumar ijtimaaci ah, ayuu Kal-fadhigu goostay: in geed-ka-go’an laga dhigo amniga iyo nabadgelyada dalka iyada oo la qaadayo tallaabooyinka soo socda:

  1. In la sii adkeeyo lana sii laba-jibbaaro hawlaha nabadgelyada Beelaha iyadoo dhinac looga soo wada jeedsanayo  cid allaale ciddii iyo wax allaale wixii facaa’il ah ee arrintan carsha-carshaynaya,
  2. In si fir-fircoon deg-degna ah dalka oo idil looga sugo amniga iyo nabadgelyada, magaalooyinka laga saaro ciidammada aan ahayn kuwa loogu talo-galay ilaalinta nabadgelyada,
  3. In ciidammada si’ nidaamsan xulashana ku jirto dib loogu habeeyo lana mideeyo, taasoo looga gol leeyahay abuuritaan ciidan Qaran oo xubnihiisu ka kooban yihiin goballada dalka oo idil,
  4. In si’ tallaabooyinkaas loo dhammaystiro la qorsheeyo lana daboolo baahida dibudhiska, tan tababarka iyo dib-u-carbinta ciidanka iyadoo tix-gelin gaar ah la siinayo sidii halganka loogu kala mudnaa,
  5. In teknikada, hubka kale iyo rasaastaba la adkeeyo hanashada xafidaaddooda, looguna talo-galo difaaca Qaranka oo keliya,
  6. 6.    In gadoodka, boobka, dhaca iyo facaa’ilka kale ee nabadaynta Beelaha iyo midnimada dalka wiiqaya gacan birr ah lagu isticmaalo iyadoo si buuxda loo fulinayo sharciyada Ururka ee arrimahaa ka yaalla kuwaasi oo la socda Shareecadda Islaamka,

 

(La soco……………………………………………..)