Go’aammadii Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM ee ku qabsoomay Burco: 8/5/91kii – 4/6/91kii ~ Gudbinta: Boobe Yuusuf Ducaale – Q.3aad

  1. SNM, BurcoWaxa kale oo uu Kal-fadhigu oggolaaday in arrimo sharci ahaaneed awgood uu xubinnimada Golaha Dhexe ku soo biiro: Barre Nuux Xaaji Cabdillaahi oo beddelay xubinta ah: Maxamed Xaashi Cilmi. Waxa kale oo ka tanaasulay xubinnimadii Golaha Dhexe labada xubnood ee kala ah:
  • Rashiid Sheekh Cabdillaahi Axmed,
  • Muxyaddiin Sheekh Cali Aw Jaamac,

Waxaana lagu buuxiyay jagooyinkaas labada xubnood eek ala ah:

  • Cali Maxamed Warsame,
  • Maxamuud  Maxamed Odey,

Waxa kale oo istiqaalad ka dhiibay xubinnimadiisii, Golaha Dhexena ka aqbalay: Cabdiraxmaan Ducaale Cali laguna beddelay Cabdillaahi Sheekh Bookh Kooshin,

  1. Kal-fadhigu wuxu go’aansaday in xubnihii keydka ahaa ee Golaha Dhexe oo ay ka dhinnaayeen lix xubnood la kala siiyo xubnahan:
  • Maxamed Cali Caateeye,
  • Maxamed Buraale Ismaaciil,
  • Cali Faarax Dhahar,
  • Maxamed Saalax cabdalle,
  • Jaamac Rabbiile Good,
  • Yuusuf Tallan Cali,

 

  1. Kal-fadhiga Golaha Dhexe oo dhegaystay soo-jeedintii Madaxweynaha, Cabdiraxmaan Axmed Cali, wuxu ansixiyay xubnihii Golaha Wasiirrada iyo Ku-xigeennadooda oo kala ah:

 

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo D/Hoose: Saleebaan Maxamuud Aadan,
  • Wasiirka arrimaha Dibadda:                      Sh. Yuusuf Sh. Cali Madar,
  • Wasiirka Maaliyadda:                                Ismaaciil Maxamuud Hurre,
  • Wasiirka Dibudhiska & Dibudejinta:          Xasan Aadan Wadadiid,
  • Wasiirka Gaashaan-dhigga:                      Maxamed Kaahin Axmed,
  • Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha:      Daahir Maxamed Yuusuf,
  • Wasiirka Diinta iyo Caddaaladda:             Axmed Ismaaciil Cabdi,
  • Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqaalaha:  Abiib Diiriye Nuur,
  • Wasiirka Tacliinta, Dhallinta & Ciyaaraha: Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax,
  • Wasiirka Kalluumeysiga iyo Xeebaha:      Cumar Ciise Jaamac,
  • Wasiirka qorshaynta iyo Horumarinta:       Jaamac Rabbiile Good,
  • Wasiirka Macdanta iyo Biyaha:                  Maxamed Cali Caateeye,
  • Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta:   Mahdi Cabdi Amarre,
  •  Wasiirka warfaafinta iyo Dalxiiska:             Cismaan Aadan Dool,
  • Wasiirka Horumarinta Xoolaha:                  Yaasiin Axmed Xaaji Nuur,
  • Wasiirka Is-gaadhsiinta & Gaadiidka:         Maxamuud Cabdi Cali Bayr,
  •   Wasiirka Beeraha iyo Degaammada:         Siciid Maxamed Nuur,
  •  Wasiirka Madaxtooyada:                             Yuusuf Maxamed Cali,

 

Wasiir-ku-xigeennada:

  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha:                    Axmed Jaanbiir Suldaan,
  • Wasaaradda Gaashaan-dhigga:                    Daahir Sheikh Cabdillaahi,
  • Wasaaradda Maaliyadda:                              Aadan Jaamac saxar,
  • Wasaaradda Diinta iyo Caddaaladda:           Sh. Maxamed Jaamac Aadan,
  1. Waxa kale oo uu Kal-fadhigu go’aansaday in calanka Qaranka, summadda Qaranka iyo astaanta Qaranka loo saaro Guddi, Guddidaa xubnaheedana dawladda ayaa magacaabaysa 14 maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta Kal-fadhiga la xidho ayay ku soo dhammaynayaan waxaana oggolaanaya Guddi-hoosaadyada golaha Dhexe,
  2. Kal-fadhigu wuxu isla gartay go’aansadayna in Marxaladda Kala-guurku ay ka bilaabanto 18/5/91ka,
  3. Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe ee SNM oo fadhiyadiisu yihiin dar sii furnaanaya waxa lagu soo laaban doonaa bisha Juulay, 10da, 91ka iyadoo goobta shirka dib laga soo sheegi doono,
  4. In la sameeyo Guddi daba gasha dhagartii dagaalka (War crimes) iyo wixii geystay,
  5. In Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland adduunweynaha gaadhsiiso dhismaha Jamhuuriyadda isla markaana tiro-koob sugan ku samayso khasaarihii dad iyo duunyaba gaadhay intii dagaallada xoreynta ahi socdeen,
  6. Iyadoo la xurmeynayo kaalintii lama-huraanka ahayd ee ay ka qaadatay halganka xaruntii Ururka ee hore (Balli-gubadle) taas oo ahayd goobtii ugu horreysay ee iyadoo xoreysan Ururku xarun ka dhigto, iyadoo la tixgelinayo lagana tiiraanyaysan yahay burburkii uu cadawgu u geystay xarunnimada darteed, wuxu Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe xusayaa in ay mudan tahay in dawladdu Balli-gubadle u tixgeliso Degmo ahaan marka ay qorshaynayso maamulka gobollada iyo degmooyinka,

Go’aammo Gaar ah: SNM

Ururka SNM oo maanta jira toban sannadood iyo dhowr bilood wuxu ku soo jiray halgan hubeysan oo siyaasi ah oo u hor ah Afrikadii xorowday, kaasoo SNM ku guulaysatay inay Taliskii Siyaad Barre ka xoreyso gobolladii Woqooyi oo maanta ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland.

Marxaladdan kala-guurka ee aynu maraynno iyo waayo-aragnimada siyaasadeed ee xisbiyadii hore ee gobannimada dhaliyayba waxay ina farayaan in aynu si taxaddar leh u dhowrno jiritaanka Ururka. Waa in aynu ka waantownaa gefafkii taariikhiga ahaa ee laga galay xisbiyadii gobannimada dhaliyay sida SNL iyo kuwii ka danbeeyayba oo aan loo sadqayn SNM dawladdan oo ay iyadu dhalisay majarahana u hayso. Khatar aan la malayn Karin ayay dadka iyo dalkuba gelayaan haddii xisbiyada siyaasadeed gaar ahaanna SNM-ba noqdaan xisbiyo aan jirin marka dan laga leeyahay mooyaane. SNM waxa si’ hodannimo ah ugu dheehan waayo-aragnimadii shacbigu u adeegsaday inay kula dagaallamaan dooxatadii xuquuqdooda duudsiday iyadoo maantana SNM shacbigu u adeegsanayo inay ku gaadhaan: nabad, dhismo dal iyo dad iyo horumarba.

(La soco……………………….)