GIRAANTA DOORASHOOYINKA: Mucaarad Isku-hadaf ah oo haddana Is-Tuhunsan, Xukuumad Is-difaac ka soo hadhay iyo Shacabka oo ku jaha-wareersan

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shacabka iyo beesha Caalamka tiro-ba dhawr jeer u ballan-qaadday inay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyadu ku qabsoomayaan wakhtiga loo muddeeyey oo ku beegan badhtamaha sannadka dambe, balse Axsaabta Mucaaradka ah, ayaa ka aammin-baxsan Xukuumadda kana cabsi qaba dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka iyo in Xukuumaddu muddo-xileedkeeda wakhti dheeraad ah ku darsato.

Dhinacyada Siyaasadda ee Xukuumadda, Xisbiyada iyo Sharci-dejinta ee hawlahan ku shaqada leh, ayaa dhinac-ba dhinaca kale ku eedaynayaa masuuliyadda caqabadaha muuqda ee hor-taagan arrimaha loogu diyaar-garoobi lahaa doorashooyinka iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Muwaaddiniinta oo iyadu dalka ka bilaabantay oo iyadu socotay ku dhawaad laba bilood.

GirXisbiga UCID:

Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa isagu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu marka dhinaca Xisbiga la taagan yahay garab-taagan yahay UCID oo ay isku ujeeddo yihiin, marka dhanka Wakiillada laga joogana mawqifkiisa madmadaw ku jiro.

“Waxaannu aad uga xunnahay, Guddoomiyaha Wakiilladu, waa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waddanku wuxuu marayaa xaalad adag oo uu xanniban yahay Xeerkii doorashadu, sidaas oo kalena uu xanniban yahay Komishankii doorashooyinka oo aan shaqadoodii gelin. Marka uu yahay Guddoomiyaha WADDANI, waannu wada-soconnaa Waddani, labadayaduba doorasho-ujeed baannu nahay, waanay naga go’an tahay,”  ayuu yidhi Cali-Guray.

Waxaanu Cali-Guray oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray; “Laakiin, waxa nasiib-darro ah marka uu Guddoomiyaha Wakiillada yahay, inay Xukuumadda wada-socdaan baad mooddaa oo ay wax kale isku ogyihiin oo aan ahayn waxay isku ogyihiin WADDANI iyo UCID oo ah doorasho. Waayo? Saacaddan adag waxaannu filaynay, maaddaama uu yahay Guddoomiyihii Baarlamaanka, inuu doorashada nala riixo, in isagaa dadka la haysto ka mid ahe is-barraxo sidii uu isu-barraxay.”

Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee UCID waxa uu sheegay inay Xukuumadda iyo Golayaasha Baarlamaanku isku-tuurtuurayaan hirgelinta Xeerka diiwaangelinnada iyo ansixinta Guddiga doorashooyinka, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Laakiin, Wakiillada, Guurtida iyo Xukuumaddan Xeerkii isku dhex-warreejinaya ee iyagu midba midka kale ku riixayo, Komishankii inuu hawshiisii galana iyagu ka hortaagan. Been-na waxa loo sheegayaa qaadhaan-bixiyeyaasha boqolkiiba siddeetan bixinaya kharashka ku baxaya diiwaangelinta iyo doorashooyinka-ba. Miisaaniyadda 2015 waa lagu daray labadoodii oo isa-saar ah, laakiin dadkan kale ee Yackooga ka dhex-ciyaaraya Xisbiyada ama reeraha, waxaannu uga digaynaa inay joojiyaan, haddii kale toos baannu u sheegi magacyadooda, waxaanannu leenahay siyaasadda ha loo daayo siyaasiyiinta.”

Xukuumadda:

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo isaguna toddobaadkan ka hadlay hawlaha diyaarinta doorashada, ayaa masuuliyadda habsanka ansixinta Guddiga doorashooyinka ku eedeeyey WADDANI, gaar ahaan Guddoomiye Cirro, waxaanu yidhi; “Annagu waxaannu leenahay doorashooyinka Wakhtigooda way qabsoomi doonaan haddii Illaahay yidhaahdo oo ay xagga Alle ka suurtogasho, diyaar ayaanannu u nahay. Haddii doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacdo annaga waxa nagu xidhan ma jiraan oo wixii dhankayaga nagu xidhnaa waxaannu u gudbinnay Golaha Wakiillada.”

“Waxa u sabab ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo fadhigii Golaha xidhay markii loo gudbiyey Xubnaha Komishanka Doorashooyinka, isagoo og in wakhtigii doorashadu soo dhaw yahay, isagoo yidhi; ‘waxaan u baahannahay toddobaad aan Berbera iyo Burco olole siyaasadeed ku tago, ka dibna fadhigii Golaha fasaxay muddo toddoba maalmood ah.” Sidaa ayuu yidhi Md. Saylici.

Waxaanu Madaxweyne Ku-xigeenka oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray oo yidhi; “Markaa, waxaannu leenahay ninka doorashooyinka Dib u dhigaya ee war-wareejinayaa waa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, hawlihii doorashooyinka Suurto-gelinayeyna isagaa wada-haysta oo ay horyaallaan. Markaa, Guddoomiyuhu waa Hasha Geela Cunta ee haddana Cabaaadda, isagaana u qaylo badan maanta, waanay caddahay in cidda doorashada dib u riixaysaa tahay Cabdiraxmaan-Cirro.”

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo:

“Waxaan labada Gole ka ballan-qaaday in aan diyaar u ahay in la qabto doorashooyinka oo wakhtigooda ku qabsooma. Waxa aan qoraal ugu gudbiyey Deeqbixiyayaasha in aannu diyaar u nahay doorasho wakhtigeeda la qabto, ma cidbaa nagu khasabtay in aan qoraal ku bixinno oo labada Gole ka hor caddeeyo. Waxa la wada ogyahay in dhammaan miisaaniyaddii ku bixi lahayd labada doorasho iyo labada diiwaangelinood aannu ku diyaarinnay Miisaaniyadda 2015 ee Baarlamaanka la taalla.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland oo toddobaadkan khudbad uu warbaabinta dawladda ka akhriyey kaga hadlay arrimaha doorashooyinka.

Xisbiga KULMIYE: “Doorashada Cidda dib u ridaysa ee aanu horeba u sheegaynay waa guddoomiyaha, xukuumaddu way dhammaystirtay wixii ku xidhnaa doorashada, intii kale oo dhami way hortaallaa baarlamaanka. Haddii guddoonkii baarlamaanku aanu ogolayn in laysu yimaaddo oo marna uu sharciga foojari-garaynayo, marna uu golaha ka baxsanayo ee uu leeyahay dib-baan u dhigay. Waxaan u malaynayaa Cidda rabtaa ama dib u dhigaysaa inay tahay Ciddii markii horeba korodhsiimo ugu fadhiday, haddana doonaysaa inay tahay hoggaanka Waddani oo ah guddoomiyaha Golaha.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cabdillaahi Cige (Balaaki) oo ah Afhayeenka Xildhibaannada KULMIYE ee Golaha Wakiillada. Hase-yeeshee, Masuuliyiinta Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ee Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka, ayaa iyaguna marar kala duwan ku celceliyey in Xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ay doorashadu diyaar ka tahay dhankooda.

Xisbiga WADDANI:

Siyaasadda Doorashooyinka ee Xisbiga WADDANI, shacbiga reer Burco iyo Somaliland-ba waa ay ka dharagsan yihiin, waa in Doorashooyinka wakhtigoodii la qabto, oo aan Saacad lagu darin, Waxaan u mahad-naqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland khudbadiisii ugu danbaysay iyo kuwii ka horreeyey-ba ku daray in doorashada wakhtigeedii la qaban doono, waxaannu-se codsanaynaa in caqabadaha iyo Isbaarooyinka laga horqaado doorashada oo ay ugu horreyso in la ansixiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ah cidda Doorashooyinka ka masuulka ah.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shalay Taageerayaal ku soo dhaweeyey Burco hadal u jeediyey.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan-Cirro oo Isniintii Taageerayaasha WADDANI kula hadlay magaalada Berbera, waxa uu yidhi; “Madaxweynuhu waxaa uu inna leeyahay Doorashadii waa la qabanayaa wakhtigeeda, haddana waxuun baa siya. Komishankii ayaa ugu danbeeyey oo waa la diiday in la ansaxiyo, markaa haddaa dee Doorashada yaa qabanaya?. Markaa, waxaannu leenahay qolada Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE dee Siyaasadda Madaxweynaha ayaannu taageersannahay ee ha la fuliyo, doorashadiina halla innoo qabto wakhtigedii haddii Allaah ka dhigo.”

Jaho-wareerka Shacabka:

Hadalladan kala duwan ee aynu kor ku soo qaadannay, ayaa u muuqdo in dhinacba dhinaca kale ku eedeeynayo masuuliyadda dib-u-dhac ku iman kara doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo la qorsheeyey inay bisha December ee soo socota dalka ka bilaabanto iyo weliba diyaarinta hawlaha ka horreeya doorashada ee Sharciga iyo Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Ansixintooda, waxaana jira Shacab badan oo ku jaho-wareersan iska hor-imaadka hadallada Mucaaradka, Muxaafidka iyo Sharci-dejinta oo iyada lafteedu laba dhinac kala ah. Waxaana loo baahan yahay in Shacabka dawakhaadda laga daayo oo dhan waliba masuuliyadda uu leeyahay waxa ku yimaadda qaato.

@HIMILO