Halxidhaale gardoona
Guud maroo qalin maalku
Garaadkiisu habeeyay
Waligaa ma gorfaysay
Garta waanu naqnaa
Geedka waan la tagnaa
Halxidhaale garsheega
Anigaaba gardaadshoo
Gorfayntiisa aqaanoo
Gobo’odiisaba sheega
Waa mar kale iyo qormo garsheega oo gujo iyo guulwadaynba laga ilaashay, waa godolkii abwaanka iyo gobo’dii qoraaga oo gees uwada jeeda , waa qormo guubaabo ah oo loogu gacan haadinayo inta guraca u talisa , inta samaha garab martay ,ee guur-guurka lagu yaqaano , waa qormo galbis iyo bogaadin u noqon doonta masuulkasta oo xilkiisa gutay ,waa qormo guulwadeen ay u arki doonaan inta buuqa iyo muranka ka ganacsata , waa qormo waji gabax ku noqon doonta inta danta gaar ah ku mashquulsan ,waa qormo loogu gogol xaadhayo guusha la filayo in uu gaadho siyaasiga gobolka gabiley, tartanka xisbiga kulmiye gudihiisa ka dhici doona dabayaaqada sanadka 2013 , waa guluf iyo gantaalo ku jihaysan , mid kasta oo isku daya in uu wiiqo midnimada dadwaynaha gobolka gabiley ,ugu danbayn waa guud mar loogu digayo inta gabashada ,raad gadka ,iyo gooni socodka ku caan baxday. hadaba araarta aan gundhiga uga dhigay qormadaydu halkaa ha ii joogto ,
Waa markaleMurtidii iyo sheeko wadaagii Qurba-joog iyo Qodaal-joog
Qurba- joog : afar gaar u walaaloo
Abtirsiinta gudboon
Tartan guud ka dhexeeyo
Laba guushu dhex taalo
Midkii aad gosha hooyiyo
Guri aad la wadaagtay
Geesna maad uga baydhi
Qodaal -joog : geeljiraa faras fuuloo
Gamaanbaanu jareeyay
Gaaribaana u heestay
Geerarbaan u aqaan
Garan maayo warkaasi
Tartanku waa gobalaysi
Qurba –joog : gudoon aan laba dooran
Guulna maanka ku haysta
Haduu gaadho go’aanoo
Kaligii isku guuxo
Bal maxaa garab yaala!!!!!!!
Qodaal-joog : geesibaa ka horeeya
Guuritidii dhaqankeeniyo
Galbinaayo dadwayne
Garoonkiina dhex taagan
Gacantaaga codayntiyo
Garsoorkii xisbigiisiyo
Gole wayne aqoonsan
Guushu waa garbihiisa
Ana waa gobolkayga
Qurba –joog : gocoshaa iman doontee
Garab daarta dareenkiyo
Xog-ogaal ma gurguurtoo
Gudcur aan la arkayniyo
Goor habeena ma keenay
Go’aankii u danbeeyee
Gudoonkaasi ku taamo
Qodaal –joog : goor aan habeena ahayn dharaarna ahayn ayaan helay go’aankii u danbeeyay ee gudoonkaasi ku taamo sida tixdani ka muuqata
Hadii aanan garoonka
Kaliday dhax guclaynin
Garsoor aan dhex ahayniyo
Gole aan magacabay
Gacan taaga samaynin
Shirka waaban giriifay
Gadoodbaa dhici doonaa
Gami maayo hogaanku
Qurba-joog : Gafkuu waayo sameeyiyo
Wuxuu gastay ayaamo
Gadaal maanu u eegin
Maxaa keenay gadoodka
Qodaal –joog :Garashaa ka sidaasoo
Giraantoo la wareejiyo
Gilgilbuu ka yaqaan
Bal maxaa garab yaala
Qurba –joog : Xisbigii kala guurka
Gudoonkiisu halmaamo
Guul daruu ku dhacaaye
Goolkan uu dhalinaayo
Go-gol xaadhka shirwayniyo
Garoonkoo la balaadhsiyo
Guubaabaa ka horaysa
Qodaal –joog : Gudoonbaa garab doonay
Gobolbaanu xigtaystoo
Gawaadhuu u kireeyoo
Guuleed buu ku casuumay
Gadhwadeen nabaddooniyo
Guurtidii dhaqankeeniyo
Ciidle muu galbinaynoo
Ganafkay ku dhufteen
Maxaa keenay giriifka
Qurba –joog : guracbaa hor kacaayoo
Gogol xaadhka lahaayoo
Bulshowayntu ka giigtay
Qodaal –joog : wadaadbaa gurxamaayoo
Gardaraystay wasiir
Gulufkuu u badheedhiyo
Gooniduu u dhawaaqay
Ma xigtuu ku gargaaroo ?
Gantaalkaasi u dhiibtay ?
Ma gashuu bixinaayay
Qurba –joog : wasiirkaa gayigeenniyo
Gobolkiisaba deeqay
Gudanaaya xilkiisa
Danta guudna u heelan
Kuwan guuska ku foofee
Qormo gaaban ku maagay
Qoraa aan gabanaynoo
Kala guurka difaaca
Gobolku maanu lahayn
Qodaal –joog : qoraa aan gabanayniyo
Hal-abuur godlanaayoo
Gudbinaaya xaqiiqda
Galkii seefta ka saaroo
Gabaray qalin qaatiyo
Gaadayrtaa wa qoraysiyo
Kuwa guurka fogeeyee
Gayaankoodu ka dhoofay
Digniintaydu ha gaadho
Erayadii Abwaan :Sacad Xaaji Maxamuud Gadhle {Gabiley –Soomaliland }
Tell : Somtel :9080440
Telesom :4669910