Gayigaa Miyaynu Ka Soo Guurnay:

Waxa aan maanta dib ugu noqonayaa shalay oon hubaa in xusuuso badani iskiin soo hor tubi doonaan maanta, laakiin aan sii tuurto mide”dhagahii Alla waanshaa Waansanwaxa  aan in muddo  ah aan maqlayey dhibaatooyin ka socda dhulka aynu degno ee Ethopia ama reserve area loo yaqaan. Waxa jira in dhulkaasu yahay dhul aynu waligeenba lahayn reer Somaliland iyo qoomiyado kale oo Somali ahiba, oo gumsysigii ingiriiskuna inaga duudsiyey oo Ethopia gacanta u geliyey,waa taarikh dheer oo ku dul raagi maayee, inteena badanina ogtahay. Laakiin qoraalkaygan waxa curiyey iyadoo aad moodo in dhaxal wareeg inagu socdo oo aynu talaabo, talaabo uga soo xaroonayno deegaanadaasiinteenii ku hadhayna ay awoodii sheegasho iyo taladii carigaasba farahooda ka sii baxayso.

Maxaa sababay? Maxaynu se ka qaban karnaa? Waa laba su’aalood oo is waydiin mudan!
Umadaydan qaaliga ahow bal intaanan anigu isu jawaabin waxa xusid mudan in dhulkan aan ka hadlayaa yahay kii Shalay markii aynu dagaalkii kaligii taliyihii aynu galnay uu ahaa kaynu ku baxsanay ee aynu camiranay ilayn gurigeenii iyo degaan keenii labaad buu ahaaye. Ee Illahay inagu asturay, ka horna SNM ku tiirsanayd kasii horna aan idhaahdee nolosheena miyiga ee aynu ku tiirsanayn  ahayd iyo ilaa hadaba.Dadka degan ee ku dhererani way badan yihiin carrigaa Somalilanders iyo Somali kaleba e, Ethopiana xukunto, qolowaliba dhanbay kaga jirtaa.
Hadaanse u soo noqdo Reer Somaliland gaar ahaan iyo sababaha keenay mashaqadan intaan soo xigtay iyo inta aragtidayda aan ku darayo waxa weeye inagoo dhulkii ka soo xaroonay oo markii wadankeenu xoroobay ay ehelkeenii inasoo galbiyey aynaan dib u sagootiyine aynu barkimooyin u dhignay! Oo ay halkan inagala bilaabeen nolol cusub, ma xuma laakiin dayac kalaa dhacay oo dee jirida lagama fuqo dadkani jirid bay Inoo ahaayeen dhulkuna waa qaynb muhiima  oo nolosheenu ku xidhnayd.inkastoo gumaysi haystay hadana odayaal baa ka talin jiray oo reerwalba madax baa ka wakiil ahay oo tacadi badani kama dhici jirin, hadase ragkalaa ka baarqabo ah oo dumarkii iyo xoolahii looga soo hoyday. Ninka Hargeysa ama Burco ama Magaalo kaleba soo dhex joogsaday ee miyigiisii ninkale kataliyoow ogow aabahaa iyo awowgaa wakhti kan ka adag bay dhulkan gacanta ku Hayeen oo ka talin jireen.

Maantana hadii aan dadkii ilaahay halkaa ku beeray lagu hayn oo lagu gacan qaban mustaqbalkeenu nooc kaluu isu badali Somalina  horay ugu maahmaahdayNimaan Waxa Jooga Garani, Waxa Soo Socdana ma Gartowaa iga guubaabo e. Ninkii aware iyo dhagaxbuur shalay xabashi ugu talinayey maaha inuu adigana reerkaagii maarnta ka dul botoriyo,waxynu ku mashquulnay siyaasada Somaliland iyo imisaa reer hebel halay saamigii aynu ku lahayn iyo ninbaa parking waayey,cuqaal dhul lasiiyey adeer wax ka badan baa inaga dayacan oo inaga lumi! Kaynu ismaamulka Ethopia ku lahayn mee!Xagaad inoo dayacdeen ee idaacadahan iyo TV yadan Somaliland aad ugu dhex doodaysaan!

Dadkaas  iyo dhulkaasuba Nolosheena qayb muhiimay ka yihiine arrintanina waxay xoog u khusaysaa cidkastoo gudaha Somaliland degan oo danaynaya mustaqbalka iyo aahayeehana dad iyo deegaanba, ogowna meela lagu soo siqaa majjirtoo dhica kale baduun baa xigtee.

Dowlada Ethopia markii ay habkan is maamulka u samaysay deegaanadii Soommalidu degaysay dee qolo gaari inay ku hor kaajaan umay jeedin ee jiidahan sidii lookala degenaa ayaa wali lookala leeyahee xaqiina doonta oo caruurihiina wax bara oo ku barbaariya inay iyagu ayahooda ka tashaan dabcan sifada sharciga ah.Dadbadani caruurtooda waxay u soo hooyaan wax barasho, taana waxan odhan lahaa waa in wax lays  daba qabtaa oo wax barashada loo xoojiyaa loona dhaweeyaa oo dawlada somalliland ay intii xuduudaheedu ku siman yihiin wacyi galin ka samaysaa deegaanaduna ay is abaaabulaan. Inta xadka ka shishaysaana tan wadankanay raacsan yihiin ka faa’iidaystaan oo wax ka bartaan.

 Gunaanadkaygii waxaan ku soo  xidhayaa qoraalkan dib halaysugu oqdo oo yay naan dhulka baaxadaa leh ee illahay ina siiyay aynaan dayacin dhulkii awoowadeen ku dhaaran jireen,ku gabyi jireen ee sugaanteena ka buuxa, dhaqaalaheenu ku dhisan yahay yeynaan  duhur cad kasoo baqoolin kana soo  Guurin!

Allaa Wayn Ninkii Aaminaa Awood leh

Yasmin Omar Hadrawi