Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo Qirtay Khalad Sharci oo Xafiiskiisa ka soo baxay

Hargeysa (SLpost)- Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa qiray khalad farsamo oo ku jira caddadka 12aad ee Buugga Faafinta Rasmiga ah oo ka soo baxay xafiiskiisa, kaas oo si khaldan loogu soo saaray Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha (Xeer No: 37/2007) oo ka duwan Wax-ka-beddel iyo Kaabis Golaha Wakiilladu ku sameeyeen

Buugga Faafinta Rasmiga ah oo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ka soo baxay 03 January 2015, waxa uu waajibinayaa in Komishanka Doorashooyinku soo saaraan liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha laba bilood ka hor maalinta doorashada, kaas oo burinaya wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha baarlamaanku ansixiyey oo dhigaya in liiska la soo saaro lix bilood ka hor maalinta codbixinta doorashada.

GaryaqaanWar-saxaafadeed uu caawa soo saaray Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa lagu sheegay inuu jiro khaladkaasi oo ay ku baraarugeen, kaddib markii Wargeyska Jamhuuriya arrintan wax ka qoray, waxaanu ballan-qaaday in lagu sixi doono caddadka soo socda ee Buugga Faafinta Rasmi ah.

Waxaanu war-saxaafadeedku u qornaa sidan, “Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku waxa uu u iftiiminayaa dhamaan bulshada Somaliland, iyo bahda Saxaafadda in Faafinta rasmiga ah ee Qaranka cadadkii 12aad ee soo baxay sanadkii 2014-ka, uu ku jiray khalad dhinaca daabacadda ah, gaar ahaan; Wax ka bedelka xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, (Xeer No: 37/2007).

Khaladaadkaasi oo xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku uu ku baraarugay, horena u qaaday talaabooyinkii lagu sixi lahaa oo ay ka mid tahay in nuqulka bishan soo baxaya ee Faafinta Rasmiga ah ee Qaranka dib loogu baahiyey sixidda qaladkaas madbaciga ah,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud.

Halkan ka Akhriso Warbixinta Jamhuuriya ka diyaariyey ee badka soo dhigtay fadeexaddan Sharci.

SOMALILANDPOST.NET