Garsoorkii Haayada SHaqaalaha Dowlada + Shaqaalaysiintii Farsamaysnayd ee wasaaradda Maaliyadu wadatay

Waxay ahayd badhtamihii bishan gabagabada ah ee January, 2013 markii Wasaarada Soomaaliland ee Maaliyadu ay isku dayday in qaadato SHaqaale lagu sheegay tanbareeri oo badankoodu ahaa dad lawatay kuwaas oo ay wateen Masuuliyiin Xilaal sarsare ka haya Wasaarada Maaliyada iyo Xildibaano katirsan Golaha Baarlamanka iyo Masuulo kale oo ku Jira Xukuumada Soomaaliland.Dadkan oo liiskooda ay soo gudbisay Maaliyadu ayaa waxa burisay oo sharciga marisay Haayada SHaaqalaha Dowlada kuna dartay tiro badan oo Dhalinyarada Jaamacadaha ka soo baxday ahayd oo ay qabatay codsiyadooda Haayada SHaaqalaha Dowladu .

Halkaas oo ay ku haftay Imtixaankii in badan oo ka mid ah dadkii lawatay ee loo soo sameeyey garaydhka ,B,C;ee ayna aqoontiisa  lahayn  markii ay Imtixaan la galeen dad aqoontisa leh,Haayada SHaqaaluhuna u soo dhajisay qof walba wixii qalinkiisu u gooyey si ay udhiiri galiso dhaliyarada waxbaratay ee dalka Jamuuriyada Soomaaliland.

 Natiijadaas oo ka nixisay dad badan oo dadkii ay wateen meel hoose ka galeen Imtixaankii lagu tartamay,Wasaaradan Maaliyada oo ah Wasaaradaha ugu muhiimsan ayaa u muuqata wasaarad masuuliyiinteeda qaar ka mid ahi u guclaynayaan in ay keenaan dad ay jeebka ku sitaan taas oo ay kala mid tahay Wasaarado badan taa badal keedana waxa ay wasaarado badin ka naaxi waayeen Haayada SHaqaalaha oo iyadu ah Haayad Madax banaan oo ka masuula shaqaalaha Dawlada diidana wixii shaqaale ah ee aan sharci ahayn ama Isxanbaara ah.

Diyaariye: Cabdirasaaq Xaashi Xuseen