Garowe: Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland Oo Guddoomiye Cusub Doortay

 

Garowe (SLpost)- Xarunta Golaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay u tartameen dhowr xildhibaan, kaddib markii todobaadkii hore xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jabriil kaddib markii uu ka guulaystay laba musharax oo kale oo la tartamay.

Laba Xildhibaan oo magacyadoodu kala yihiin Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, ayaa wareegii labaad ee doorashada isugu soo hadhay waxaanay kala heleen 34 Cod iyo 17 cod si ay u kala horreeyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada in wareegii labaad uu ku guulaystay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 cod halka musharaxa labaad ee la tartamayey ee Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 17 Cod, waxaana sidaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ku noqday Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.

Guddoomiyaha cusub oo hadlay ayaa balanqaaday in uu wada shaqeyn dhaw la yeelan doono guuud ahaanba xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo ilaalinaya sharciga iyo dastuurka dowlad gobolleedka Puntland.

Xil-ka-Qaadis guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, ayaa ka dambeysay kaddib markii ay golaha mooshin ka keeneen qaar ka mid ah xildhibaannada, sidaasna xilkalagaga qaaday. Xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ayaa salka ku hayey khilaaf soo kala dhex-galay madaxweynaha Maamulkaas.

Somalilandpost.net