Garoowe: Ilaalada Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo La Wareegay Xarun Xawaaladeed

Garoowe (SL.Post) Ciidamada ka tirsan kuwa ilaaliya Madaxweyne ku-xigeenka mamulka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta la wareegay xarunta weyn ee ay ku shaqayso Xawaaladda Amal.

 

13925051_1100957599974490_2591818459763237220_n (1)

 

 

Masuul katirsan Shirkadda Amal oo magaciisa qariyay ayaa warbaainta u sheegay  in ciidamada goobta qabsaday yihiin ilaalada khaaska ah ee madaxweyne ku-xigeenka Puntland, kuwaasoo meesha ku yimi amar ay ka haystaan Camay.

 

 

Ujeedka xarunta loo qabsaday ayaa lagu sheegay inay tahay lacag baad ah oo madaxweyne ku-xigeenku ka dalbaday Amal kaasoo cadadkeeda lagu sheegay $70,000.

 

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa mas’uuliyiinta shirkadda ku wargaliyay in lacagtaasi loo adeegsanayo soo celinta gobollada muranku ka taaganyahay ee Sool iyo Sanaag.

 

 

Dalabka Camay, waxaa gaashaanka ku dhuftay maamulka ugu sarraysa xarunta waxayna tilmaameen inaysan bixin karin lacag intaas le’eg maadaama ay yihiin shirkadda gaar loo leeyahay.

 

 

“Saaka waxaa xarunta yimid ciidamo ku hubaysan tikniko, waxay qabsadeen xarunta Amal ee kasoo horjeeda dhismaha UNSOM, waxay diideen inay gudaha xarunta u galaan shaqaalaha, muddo ayay halkaasi joogeen ilaa markii dambe madax katirsan shirkadda tageen madaxtooyada oo loo sheegay inay bixiyaan lacagtaas.”Sidaas waxa sheegay mid kamid ah howl-wadeenada shirkadda Amal Garowe.

 

 

Ciidamada xarunta qabsaday ayaa markii dambe goobta isaga baxay, waxaana iminka socda wada-hadallo ku aadan qorshaha dowladdu doonayso.

 

 

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda madaxweyne Gaas taasoo ku aadan qorshaha uu ku dhaqaaqay madaxweyne ku-xigeen lamana oga in madaxweyne Gaas talaabadaas ku raacsanyahay ku-xigeenkiisa.

 

 

Waxa xusid mudan in horay xukuumaddu u samaysan sanduuq dhaqaale loogu aruurinayo difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada kaasoo lacago badan ku bixiyeen bulshada ku dhaqan dalka, dibadda iyo ganacsata.

 

 

Lama oga halka lacagtaasi ku dambaysay iyadoo horay cabashooyin wax qabad la’aan u muujiyeen ciidamadii ku dhawaacmay difaaca Puntland.

 

 

Arrintan ayaa saaka noqotay hadal haynta ugu badan ee magaalada Garowe iyadoona noqotay tallaabadii ugu horraysay ee ay ku dhaqaaqaan ilaalo amar ka haysta madaxda ugu sarraysa dowladda.

 

 

Somalilandpost