Garoowe:-Ciidamo Ka Gadooday Mushahar La’aan

Garoowe(SLpost)-Qaar ka tirsan ciidanka gadoodka sameeyey ayaa VOA u sheegay in aysan mushaaraad helin in badan labo sano, iyadoo rasaas laga maqlay gudaha xerada taasoo ay ciidanku u ridayeen kor.

Korneyl Maxamuud Cali Xirsi Cartan oo sheegtay in uu yahay taliyaha gaarka ah ee ciidanka gadoodka sameeyey ayaa sheegay in ciidanku aanu helin wax mushahar ah 28 billood, isagoo rasaasta ay ciidanku ridayaana ku sheegay in ay ahayd mid ay ku muujinayeen cabashadooda ah in mushaarkooda aan la siinin.

Ma ah markii ugu horreysay oo ciidamo Puntland ka tirsan ay gadood sameeyaan, iyadoo dhowr maalmood ka hor ay ahayd markii magaalada Boosaaso ciidan gadood ka sameeyey oo ka cabanayey mushaar la’aan ay xireen qeybo ka mid ah wadooyinka laga soo galo magaalada Boosaaso.