Garoonka Diyaaraha ee Hargeysa oo lagu soo dhaweeyey 3 Maxbuus oo Gacanta ugu jiray Puntland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa  kusoo dhaweeyey saddex askari oo kamida Ciidamada Qaranka Somaliland oo gacanta ugu jiray  Maamul Goboleedka  Puntland, waxaana soo dhaweeyey Saraakiishan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo isu ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey saraakiishan, waxaana uu tilmaamay inay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo in saddexdan askari oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ay maanta dalkooda yimaadaan iyagoo nabad-qaba, waxaana uu taliyuhu la wareegay masuuliyadda saddexdaa askari.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna  ka hadlay soo dhaweynta saddexda askari  ayaa sheegay inay guul tahay  imaanshaha saddexda askari ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaana uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa nabadeed iyo kaalinta uu ka qaatay soo daynta saddexda askari iyo sii daynta 14kii maxbuus ee maamulka Puntland laga hayey.