Garnaqsiga ku Dhawaad 45 Arday oo ka Bedeshay Jaamacadda GOLLIS

Hargeysa(SLpost)- Arday jaamacadda Golis ka baran jirtay culuumta caafimaadka oo ka koobnaa saddex fasal islamarkaana jaamacadda uga bedeshay cabashooyin badan oo ay tabanayaan oo ay ka mid tahay lacagta oo ku dhawaad labajibaar lagu kordhiyey ayaa shir jaraa’id oo ay magaalada Hargeysa ku qabteen waxa ay sheegeen in jaamacaddii ay u bedesheen dacwad lagu soo oogay.

Ardaydan oo cabashadooda u bandhigay saxaafadda ayaa sheegaya in xuquuqdooda meel lagaga dhacay.

Ardayda ayaa cabashadooda ku saleeyay lacago dheeraad ah oo ku dhawaad laba jibaar lagu kordhiyay (iyaga oo sheegay in iyaga oo awal bixin jiray $350 hal mar kor loogu qaaday $60), tayada waxbarashada iyo wakhtiga waxbarashada oo aan xaddidnayn, Jaamacadda oo aan lahayn manhaj sax ah oo la raaco iyo ardayda oo aan jaamacadda wax xaq ah ku lahayn, arrimahaasi oo ay ku tilmaameen kuwo aanay u qalmin islamarkaana aannay qaadan karrin.

Ardaydani oo saxaafadda u soo bandhigay warqadda bedelashada ee Jaamacadda Gollis ayaa sheegay in ay taasi caddayn u tahay in aannay ku noqonayn jaamacaddii ay kala soo yaaceen mustaqbalkooda iyaga oo sheegay in ay  jaamacaddaasi hantaaqo weyn u gaysanaysay waxbarashadooda iyo mustaqbalkooda dambe.

 

 

Halkan Hoose Ka Daalaco Garnaqsiga ardayda oo Muuqaal ah: