Garnaqsi Wiil Yar oo Soomaali ahi u Diray Siyaasi Madaxtinimada Maraykan U sharaxan

Waxa Ay Jawaabta Wiilkan Somali-Amerikanka Ahi Soo Jiidatay Indhaha Ra’yul-caamka Maraykanka ee hadalka Musharraxani XAjiimeeyey

Washington (SLpost)- Wiil laba iyo toban jir ah oo Soomaali-Ameerikaan ah ayaa ka jawaabay cunsuriyad uu mid ka mid ah musharraxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Maraykanku  u geystay  hanka siyaasadeed ee muslimiinta ku dhaqan wadanka maraykanka, isaga oo ku goodiyey  in aan damacoodu hawaysan Karin madaxweynenimo.  Mr.  Ben Carson oo ah siyaasi ka sharraxan xisbiga Jamhuuriga  ee loollanka ugu jira jagadaasi ayaa dhawaan ku baanay in qof muslim ahi aanu dalkooda madaxweyne ka noqon Karin,  isaga oo dhinaca diinta ku kala soocaya dadka kala jinsiyadaha ah ee ku dhaqan dal weynahaasi.  Hase ahaatee Mr. Yuusuf Dayuur wiil yar oo lagu magacaabo ayaa jawaab aan laga filayn isaga iyo qayrkiiba waxa uu ka bixiyey hadalkaasi Uu Carson ku ololeeyey, waxaana cod uu telefoon ku duubay oo wiilkan yari kaga jawaabayo hadalkaasi ayaa soo jiitay indhaha muslimiinta maraykanka.    Dayuur yare oo  dhalasho ahaan kasoo jeeda Soomaalida balse isaga iyo qoyskiisu Ameerikaan yihiin ayaa jawaabtiisa waxa uu ku muujiyey in isaga laftiisu uu ku hamiyeyo inuu noqdo Madaxweynihii u horeeyay ee Muslim ah ee dalka Maraykanka.

Hooyada dhashay Yuusuf, ayuu ka codsaday inay jawaabta uu  bixinayo  ay hadalka kaga duubto Taleefoonka gacanta,“Tan waa jawaabta aan siinayo musharrax Ben Carson,” ayuu Yusuf ku bilaabay cod degen oo faseex ah.  Labo daqiiqo iyo 20 il-bidhiqsi  ayuu Wiilka Yar kaga hadlay arrimo la xidhiidha isirka,Diinta iyo addoonsiga, wuxuuna si badheedh ah uga dhowaajiyay inuu yahay mustaqbalka musharrax Madaxweyne dalka Maraykanka. “Mr. Carson,Bal ka waran haddii qof kuu sheego in aanad Madaxweyne noqon karin sababo la xidhiidha midabkaaga, ka waran haddii qof kuu sheego in aanad Madaxweyne noqon karin sababo la xidhiidha isirkaaga, ka waran haddii qof uu kuu sheego in aanad Madaxweyne noqon karin sababo la xidhiidha caqiidadaada? Waana taas ta aad aniga igu sameysay.”ayuu yidhi Yuusuf Yare oo daba socda hadalka xajiinta iyo cunsuriyada leh ee Siyaasiga u taagan tartan doorashada Madaxweynaha Maraykanka.  Yusuf, waa Wiil yar oo 12-jir ah, isla markaana la nool qoyskiisa Eden Prairie, wuxuuna waxbarasho dugsiga dhexe ka dhigtaa halkaa, wuxuuna noqday mid jawaabtiisu soo jiidatay indhaha rayal caamka bulshada Maraykanka, isagoo u hadlay si la mid ah sida ay siyaasiyiinta kale ugu jawaabeen Mr. Carson.

 

Wiilkan ayaa ku dhashay magaalada  St.Louis Park, wuxuuna ka hadlay sida uu weligiiba u jeclaa inuu noqdo Madaxweyne laga soo bilaabo markii uu 2 sanadood jiray, “Dhabtii waxaad dhaawacday riyadaydii,”ayuu ku yidhi fariinta uu u diray siyaasiga Carson, “sababtoo ah waxaad tidhi qof Muslim ah Madaxweyne kama noqon karo Maraykanka.”  Yuusuf Dayuur, ayaa tilmaamay in marka laga hadlayo tariikhda Maraynka sanadihii lixdamaadkii iyo toddobaatameeyadii iyo xilligii is addoonsiga ay jireen dad rumaysnaa, ama ku doodi jiray qof madow Madaxweyne kama noqon karo Maraykanka. Laakiin Madaxweyne Obama ayaa jebiyay gidaarkaa, aniga Yusufna waxa aan doonayaa in aan jebiyo gidaar kale. “Waxaan noqon doonaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Muslim ah dalka Maraynkan, waxaad arki doontaan marka aan noqdo Madaxweyne inaan tixgeliyo dadka oo dhan caqiido kasta ee ay aaminsan yihiin,midab walba ha lahaadeen diin kasta ha aaminsanaadeen.”. Mr. Ben Carson, wuxuu Axadii Todobaadkii hore waraysi uu siiyay taleefishinka NBC, ku sheegay in aanu aaminsanayn in qof Muslim ah uu Madaxweyne ka noqon karo dalka Maraykanka, balse dhawaaqa siyaasigaa oo ka mid ah musharixiinta Xisbiga Jamhuuriga ee u tartamaya doorashada Madaxweynaha, waxa ka dhashay doodo iyo jawaabo kaga yimi Mujtamaca Islaamka ee Maraykanka iyo bulshooyinka kale, wuxuuna dhawaaqiisu noqday mid si weyn looga cadhoodo.