GARNAQSI (MAANSO) – W/T: Khaalid Kileesh

Bismilaah, maansadan waxaan ugu tala-galay munaasibada sanadguurada 22aad ee kasoo wareegtay tan  iyo maalintay gobanimada qaadatay jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan 18ka bishan May sanadan 2013. Runtii dareen dhaba ayaan kaga hadlayaa oo aan la wadaago shacabkayga iyo dawladaydaba, waxana aan leeyahay reer Somaliyow walaalihiin u haneeya libinta oo aqoonsada in Ilaahay burburka iyo barakaca idinka saaro.

 

KILEESHGa’da maanso odayow

Hawraar gudboon iyo

Murti gaaxsanaydoon

Gabal dumay saqdii dhexe

Geedkii aftahankiyo

Hal-abuur kasoo guray

Ayaan guud-markeediyo

Midhaheeda ganayaa

Adna gabayga duugii

Gondahaaga weeyee

Ganuunkiisa xoorka le

Gaadhsii dadweynaha

 

Afartaasi waa gogol-dhiga

Hawraarta ii gaaxsan

Afar kalena guulaamiyo

Sida galangal roobaad

Galacdiisa maw dhigay

 

Golaheenan maanta’a

Farxadeenan gaarka’a

Gargaraanta shicibkiyo

Geyigeenan nuuraya

Gelbiskiyo mashxaradiyo

Gololada ciyaartiyo

Damaashaadka guunka’a

Xuskan aan gaboobeyn

Waxa loogu tala galay

 

Dharaartaan guhaadiyo

Gumaystaha dhibkiisii

Ka gudbeen ladnaantiyo

Helay guusha saakiyo

Libintayda aan gudhin

 

Dharaartaan gumaadkiyo

Gulufkiyo colaadiyo

Diyaaradaha guudkiyo

Madaafiicda gaadhkiyo

Gamasyada hilaaciyo

Golxobada is dhaafiyo

Gantaalaha wax laayiyo

Gawraca ka raystee

Gobonimada aan helay

 

Dharaartaan galbeedkiyo

Ilaa barriga gaadheen

Goboladayda oo idil

Cadowgii kasoo guray

 

Dharaartaan gufaacada

Nabaradii I gaadhiyo

Warwarkaan la golongolay

Ka baxeen gudoon idhi

Nabad iyo gadeed nolol

 

Dharaartaan galiilyada

Gaarrida haweenkiyo

Dabar-goynta maatada

Ka gubteen hujuum culus

Ku gilgilay darkii faqash

 

Dharaartaan go’aan adag

Kaga go’ay cadaabtaan

Lixdankii galeen negi

Gooni isugu taagay

 

Dharaartaan gadaal iyo

Ilaa gees dadweynaha

Goonyaha ka tashanee

Lagu gooyay calankiyo

Magaceena guunkiyo

Dawlad lagu gudboonyoo

Gebi laysku raacay

 

Dharaartaan gudoonkiyo

Gadhwadeenka yeeshee

Guudcadaagu tala saxa

Geyfanaan u sheegeen

 

Dharaartaan galadaha

Guulaheen ku deeqiyo

Cadaalada gardaadsheen

Dimuqraadiyada gaafay

 

Afartaasi waa gogol-dhiga

Gelbiskiyo ayaan qaran

Afar kalena guulaamiyo

Sida galangal roobaad

Galacdiisa maw dhigay

 

Gobanimada xasanow

Geyigeena taalaa

Gorrorkii shahiidkiyo

Waa goohii kood-buur

Iyo gamasyadii cali

Guul-guulkii shiiniyo

Gacma-dheere hiilkii

Cali guray hankiisiyo

Xasan yoonis garabkii

Guuxiisii Raaggiyo

Janan Oogo gaadhkii

Iyo geydhii maaloosh

 

Ma gabade ilyaas iyo

Koosaar gediisiyo

Lixle geyfan dirrirkii

Iyo geylankii xasan

Gaaleeftii Muusiyo

Garsoorkii siilaanyiyo

Guubaabadii cigaal iyo

Gadoodkiisii meygaag

 

Xasan ganey tixdiisiyo

Gaashaankii qays iyo

Gabaygii hadraawiyo

Gaariye hoguu degay

Looma gaban cadaawaha

 

Kala guran halyeyguye

Halgan gaasas badanoo

Guutooyin xooglaan

Gebagebada saarnee

 

Nin aan gabanadiisii

Iyo gaariduu qabay

Midna aan usoo gelin

Oo gacalkiisii waayay

 

Nin aan goolashiisii

Geeliyo lo’duu lahaa

Gibin yari usoo hadhin

 

Nin aan ganacsigiisii

Guuf yari kasoo noqon

 

Nin aan gumaradiisiyo

Guunyadiisii soocnayd

Gaax yari usoo hadhin

 

Naf iyo maalba geeriyo

Gumuciyo rasaastiyo

Gudintaan ka doortee

Dhayal laguma soo goyn

 

Afartaasi waa gogol-dhig

Halyeeyada u gaaree

Afar kalena guulaamiyo

Sida galangal roobaad

Galacdiisa maw dhigay

 

Calanyohow guduudkiyo

Galaxiyo cadaankiyo

Dooggiyo green-kiyo

Tawxiidku guud yaal

Kamaad iman gawaanoo

Dhayal laguuma gaafine

Kumanyaal gadoodoo

Gurbood iyo haween iyo

Geesiyaal mug weynbaa

U galbaday dartaayoo

Kuu gorrorshay dhiigee

 

Cawadyohow garaadani

Cisiyohow gedaamani

Hamiyohow gobaadsani

Curadyohow gardaadsani

Cosobyohow is gaadhay

 

Waxa tahay mid aan go’in

Geesi aanu hurri Karin

Gocorkuna ka leexdee

Waligaa na guud sudho

 

Guulaan ku dhaartee

Guluf lagu basaasiyo

Geerrina haday tahay

Kaa gaabsan maayee

Gondahaaga calanyow

Gaadhbaa ku meersaan

 

Intaan dunida guud jiro

Cadow kuuma soo galo

Adigiyo caro guduuduna

Dacal isuma geysaan

 

Afartaasi waa gogol-dhiga

Calankay I guud sudhan

Afar kalena guulaamiyo

Sida galangal roobaad

Galacdiisa maw dhigay

 

Geyigeenu waa dahab

Goonyihiisu doog

Gondihiisu waa nuur

Gudihiisu waa nabad

Geedihiisu waa xamash

Guduudiisu waa rays

Geeskana ka caanee

 

Hadaan sii kala guro

Waxan gaar u leenahay

Dhalinyaro garaadloo

Geyfanoo wax baratoo

Gidigood tacliinloo

Noloshiyo gadeedana

Meel sare ka gaadhoon

Gaabsanaynin taagtood

 

Gadh-madoobe hiiliyo

Guudcadaa aqoonloo

Taladoodu go’antahay

 

Guurti laga dabqaatiyo

Indheer-garad tusaalaha

Geedka usoo fadhiista

 

Gabdho wada xariiroo

Gargaariyo ilwaadoo

Garayskoodu xeel iyo

Yahay gunud xishoodoo

Quruxdana dhashii goba

 

Hal-abuurka gabaygiyo

Abwaanada golroonee

Suugaanta guunka’a

Gonda-degi yaqaanee

Kala gura aftahamada

 

Siyaasiyiin gudboonoo

Geesaha aduunyada

Gobol gobol usoo maray

 

Culima garasho dheeroo

Cilmi guud ahaantii

Maadi iyo diinba gooboo

Gutay waajibkoodii

 

Shicib gebi ahaantood

Gobanimo ku caanoo

Kal-gacayl abuurroo

Qabiilkana gumeeyay

 

Waxan gaar u leenahay

Gabilay iyo hargeysiyo

Galbeed iyo wajaaliyo

Boorama iyo geerisiyo

Bulaxaar gosheediyo

Geesaha Berbera iyo

Gobolkii Togdheer iyo

Goonyaha Sanaag iyo

Sool oo guggii miroo

Barwaaqadu ku gaaxatay

 

Afartaasi waa gogoldhiga

Mid aan gaar u leeyahay

Afar kalena guulaamiyo

Sida galangal roobaad

Galacdiisa maw dhigay

 

Ma garbaa ma gefbaa

Ma goodaa ma gaadmaa

Ma gaabaa ma gaabsaa

Ma gaafbaa ma gulufbaa

Ma guulbaa ma godobaa

Ma gunbaa ma gacalbaa

Ma guunyaa ma gabaxbaa

Ma goodbaa ma geelbaa

Ma galaxbaa ma gaasbaa

Ma gabnaa ma gaaxbaa

Ma gorayaa ma geenyaa

Ma godbaa ma guudbaa

Ma gobaa ma gocondhaa

Ma geedbaa ma gubanbaa

Ma guufbaa ma ginibaa

Ma giblaa ma guuxbaa

Ma guuraa ma garashaa

Ma gubtaa ma goostaa

Inaad goonyahaygiyo

Gurigayga horumaray

Dabka gaadhsii tidhaa

 

Dhaaxaan guyaal badan

Garabkaaga joogoo

Sharraf aan gudhayn iyo

Calan kugu gadaamood

Garan wayday kaadsee

Xamareey hadaan go’ay

Ma deyrkii makaan gubay

 

Dhaaxaan gabbood iyo

Shanta gobol is raacood

Kula goobay raadood

Guddi weyday taydee

Xamareey hadaan go’ay

Ma deyrkii makaan gubay

 

Dhaaxaan gargaar iyo

Garraad kugu sabaayood

Dhigan wayday gaaxnee

Xamareey hadaan go’ay

Ma deyrkii makaan gubay

 

Dhaaxaad garsoorkiyo

Caddaaladii gumaysood

Ku galgalatay xayadee

Xamareey hadaan go’ay

Ma deyrkii makaan gubay

 

Dhaaxaad gawaan madhan

Gadhka ciida saartood

Garrashada asqowdee

Xamareey hadaan go’ay

Ma deyrkii makaan gubay

 

Dhaaxaad gumaystiyo

Reer galbeedka cadowga’a

Gankaygii u loogtood

Noloshaydii gadatee

Xamareey hadaan go’ay

Ma deyrkii makaan gubay

 

Iminkana gadaal noqod

Go’aankayga maahoo

Nolol guudka taaliyo

Cirka saraan u guuree

Garta oo garwaaqsada

Inaan ahay ma guuraan

Geeskeena bixiyoo

Aqoonsigu gartay yahay

Somalilandna aan galo

Samahana gudi aqaano

 

Afartaasi waa garnaqsi

Aan geed loogu soo gaban

Afar kalena gabagabadiyo

Ducaan kusoo gunaanaday

 

Shilbaa dunida gaadhoo

Godobtiyo dagaaladu

Hadeer waa derejo gaaroo

Sacabka loo garaacdee

Allahayow na gees mari

Wixii gubaya ladnaantoo

Garabkaagu waa libe

Noo gargaar qawiilow

Xoogaaga nagu gaadh

 

Hadeer geydha hoosiyo

Siyaasada la gaadhiyo

Waxay gaalo damacdiyo

Muslimkoo la gooyoo

Gabigeed aduunyada

Laga gaba-gabeeyoo

Gawaan looga saaree

Allahayoow islaam gidi

Gacal wada walaaloo

Is gargaarsada ka yeel

 

Duulka lagu gabraartiyo

Soomaalida galuubanee

Geyigoodu dummayee

Gidhligaanku ciid dhigay

Allahayoow kasoo gaadh

Maraykaan gaabshiyo

Gacal uma aha amxaaroo

Waa ganac warreene

 

Kuwii guda wanaagee

Nagu garabgala samaantee

Na garwaaqsada ka yeel

 

Allahayow hanaga goyn

Raxmadaada aan gudhin

Allahayoow hanoo geyn

Waxaan maanku garanayn

Allahayoow adaan gabin

Ruux gacmaha ku hoos dhigoo

Kuu gooni sheegtaye

Dambiga aanu galayniyo

Naga gaadh xumaantoo

Hanagu gubin cadaabtee

Janooyinkaaga noo gogol

 

 

 

Hal-abuure: Khaalid Kileesh

Email: kooshin955@gmail.com

Phone #: 0025377049940

Djibouti, Djibouti