“Garmaqaate Faysal Cali Waraabe Tol Iyo Xisbi, Cid Kasta Oo Wanaagiisa Jeclayd Ka Joog Bay TidhI” Cali Guray

Hargeysa  (SL.Post) Horta aniga cidna isma haysano. Waxa is haysta Ilma Cali Xuseen oo aan abti u ahay labadoodaba. Sanadkii 2012kii wax yar ka hor doorashadii Golayaasha Degaanada ayay heshii laba dhinac ah wada galeen. Faysal markii laga faro maroojin kari waayay UCID waa tii lagala hoos baxay ee lagala guuray. Jamaal, garbadiiri nin daguugan ma waydo.

 

 

 

Eh Udub Dahir Rayaale ayaa Cali Warancadde uga hiiliyay. Faysal oo cidla ciirsila lagaga guuray oo xaalkiisu yahay GORGOR HAYGU CUNO WAANIGAA GOOB XUN YUURURA E iyo Jamaal oo ku soo hungoobay Udub oo isu baahan ayaa markii ugu horaysay ku kulmay magaalada Dubai aniga iyo Maxamed Haaruunba goobjoog baanu nahay markaa fursad UCID lagu bedbaadin karayaana way noo muuqataa oo si fiican baanu aragnaa hadii Jamaal iyo Faysal is aamini karaan oo midba ka kale u hiiliyo oo Jamaal Faysal uga hiiliyo Cirro Faysalna Jamaal uga hiiliyo Daahir Rayaale iyo Udub.

 

 

 

Labaduba markaa way arkeen inay isu baahan yihiin hadii ay heshiiyaana ay wax iska celin karaan. Intii aanu Dubai wada joognay habeen aanu wada cashaynay ayaanu ka sheekaysan arinka, waanu is af garanay waxana lagu heshiiyay in heshiis rami ah la kala saxeedo marka aanu Hargaysa iskula noqono.

 

 

 

Ilaahow waad ogayd markii aanu Hargaysa wada nimi ee in heshiiskii aanu dhamaystirno ayaa dadkii waxgaradka ahaa gaar ahaan Faysalna iga yaqaanay mid waliba hoos iila faqay waxay i waydiinayaana waa sua’aal keliya; waar Cali sideed u aamini kartaa Faysal aroorta marka xisbigu soo baxo miyaad hubtaa in Jamaal aanu kaga bixi doonin oo ilaa musharaxnimada aanu ku qabsan doonin?

 

 

 

Ma jecli in aan sheekadii dheerayd ee la isla soo maray idinku daaliyo laakiin maanta heshiiskii ay wada galeen Jamaal iyo Faysal wixii Faysal qaatay ee uu ku qancay ee uu Heshiiska ku galay ee isagu saxeexay aniguna ku dhexdhexaadiyay labadooda dhinac hogaamiye dhawameedkoodii oo musdambeed u ahni ku dhex joogeen ee mid waliba ogolaa ee faataxa la yidhi Jamaal kuma haysto cadkii Faysal qaatay maalina uma hunguroonin lakiin waxa la isku qabsaday ee khilaafka UCID ka bilaabmayay waa cadkii raacay Jamaal marka aynu heshiiskii dib u eegno oo maanta Faysal dib ugu hungurooday oo uu doonayo inu sifir diro Jamaal uu yidhaa cadkaygii iyo cadkaagiiba anigaa wada leh.

 

 

Garmaqaate Faysal Cali Waraabe tol iyo xisbi cid kasta oo wanaagiisa jeclayd ka joog bay tidhi oo wuu ka diiday oo quus bay iska soo taageen ugu dambaystiina waa la iskaga wada dhaqaaqay. Halkii uu maalintii hore yaalay cidla ayay ahayde maantuu ka sii daran yahay oo cidla ciirsila tahay hakuu sahansaday ee isagu is dhigay. Bal eega inta ku xeeran. Maaha kuwii Xisbiga la dhiciyay ee UCIDii hore kuwii u soo gurmaday ee UCID badbaadiyay ee soo saartayna maaha lakiin waxay marag fur u yihiin CIDLA CIIRSILA FAYSAL IS DHIGAY

 

 

Marka ay sidaa tahay anigu ma kala raacsani shakhsi ahaa Faysal iyo Jamaal ee waxan ka mid ahay inta badan ee xogogaalka ah gartana qaaday

 

 

Faysal ka diiday inu gar qaato oo cadkiisii cidi kuma haysato eh qaato kii Jamaalna aanu hunguraynin. Nasiib darro Faysal guusha xisbigiisa wuxu ka jecel yahay guul darradiisa

 

 

Somalilandpost.Hargeysa