Garabyada Xisbiyada UCID oo Shirar aan Caadi ahayn ku kala Qaybsaday Koonfurta iyo Galbeedka Hargeysa & Xukuumadda oo kala taageertay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Khudbad ka jeediyey Shirweyne aan caadi ahayn oo Garabka uu Hoggaamiyo ee Xisbigaasi ku qabsaday Huteelka ADAM’S IN ee magaalada Hargeysa, waxaanu Faysal shirkaas ka sheegay in la laalay heshiisyadii uu Jamaal la galay.

Sidoo kale Garabka kale ee uu hoggaamiyo Musharraxa Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen aya Xukuumaddu ka joojisay Shir kan la mid ah oo uu isla maanta ku qabsan lahaa Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, balse waxa ay shirkooda ku qabsadeen meel guri hortii ah oo dhinaca Bariga kaga beegan Hotelka Maansoor.

faysalFaysal Cali Waraabe Shirka Garabkiisu ku qabsaday Hargeysa Maanta ee ay Xukuumaddu taageeraysay sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ila-wareedyo dawladda ka tirsan, isla markaana Garabka Jamaal ku eedeeyey Garabka Faysal, waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Xubno ka socday Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Marti-sharaf kale iyo weliba Ergooyin ka mid ah Garabka Faysal Taageersan ee UCID.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA FAYSAL