Garabkii Musharaxiinta Isbahaystay ee Kulmiye oo Qoraal ka soo Saaray Hanaankii uu u Dhacay Khilaafkoodu iyo Maroorsigii Garabka Muuse.

 

Hargeysa(SLpost) –  Garabkii Musharaxiinta isbahaystay ee Kulmiye(Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi, Xildhibaan Kijaandhe iyo taageerayaashooda), ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayaan hanaankii uu u dhacay khilaafkooda iyo maroorsigii garabka Muuse Biixi ee qabanqaabada shirkii Kulmiye, waxaanay taxeen dhacdooyinkii ku suntanaa murankooda.

 

Garabkan isku magacaabay isbahaysiga doorasho ama dimuqraadiyad doonka Kulmiye waxay sheegeen inay muddo laba sanno ah madaxweynaha ku garab taagnaayeen sidii uu teeramkiisa labaad isu sharixi lahaa, balse ay garabkoodu liqi karri waayeen markii uu wasiiro beeshiisa ah faray inay taageeraan Muuse Biixi.

 

Garabkan ayaa qoraalkooda ku sheegay in madaxweyne Siilaanyo isku dayay inuu kala jajabiyo musharaxiinta isbahaystay, islamarkaana xubno looga yeedhay madaxtooyada, si looga dhaadhiciyo ka qayb galka shirka iyo inay ka baxaan isbahaysiga.

 

 Halkan ka daawo Muuqaalka Warsaxaafadeedka isbahaysiga oo Wasiirkii hore ee caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid saxaafadda u akhriyay

 

https://www.youtube.com/watch?v=SnauV9-_EYk