Garabkii ka goostay Xisbiga UCID oo Urur Siyaasadeed Cusub ku dhawaaqay (DAAWO SAWIRRO)

Hargeysa, (SLpost) – Xubnihii dhawaan iska casilay  xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta ku dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo magaciisu yahay (Somaliland National Party)  oo lagu Magacaabo WADANI.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa isla-markaana ay ka soo qayb-galeen dadwayne tiro badan oo lagu soo casuumay, ayaa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeedkan cusub oo la sheegay inuu u taagan yahay rumaynta himilooyinka bulshada Somaliland oo ay ugu weyn tahay Ictiraaf.

Urur siyaasadeedkan cusub oo guddoomiye ku meel-gaadh ah uu ka yahay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isagu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xubin-nimadii iyo xilkii uu ka hayey xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sidoo kale waxa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Xasan Xuseen Maxamed (Cod-yare) oo ka mid ah xubnaha urur siyaasadeedkan aasaasay oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaanu ku dhawaaqaynaa urur siyaasadeedka WADANI (Somaliland National Party), midabka calankiisu waa laymuuni, caalamada ururkuna waa Galaydh, waxaasina si dhib yar kumay iman oo in badam ayaa laga fikiray guddo iyo dibadba, fikirkaa badana ka soo baxay ururkii biyo kama dhib-caanka ahaa ee WADANI, ILAAHAYNA haga dhigo kii dadkiisa iyo dalkiisaba anfaca.”

Md Cod-yare waxa kale oo uu soo qaaday “Waxa guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee urur siyaasadeedkan loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) si uu hawlaha ururka u sii wado, ninkaas oo ah siyaasi ah, aqoonyahan ah oo maamul yaqaan ah oo ka qalin-jabiyey kuliyadda xalinta khilaafaadka, ninkaas oo aanu isleenahay waa ninkii Somaliland u baahnayd.”ayuu yidhi Md Xasan Xuseen Maxamed.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), isla-markaana ah guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee urur siyaasadeedkan cusub ee WADANI oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan ka mid ahaa tobankii sanadood ee u dambeeyay xisbiga UCID oo aan aasaasayaashiisa ka mid ahaa, sidaa daraadeed waxaan maanta hortiina ka cadaynayaa inaan iska casilay xilkii iyo xubin-nimadii xisiga UCID, kana mid ahay aasaasayaasha urur siyaasadeedka cusub ee WADANI, lana tashaday gar-yaqaano ii cadeeyay in talaabada aan qaaday ay tahay mid waafaqsan dastuurka Jamhuuriyada Somaliland iyo xeerarka kale, waxaana tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa Alle ha u naxariistee Madaxwaynihii wadankan dhisay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal isaga oo Madaxwayne ah ayuu ururkii UDUB dhisay.”

Md Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in ka sakow is-casilaadiisa ay jiraan xubno ka badan15 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladu ay go’aansadeen inay ka baxaan xisbiga UCID “Sidoo kale, dood dheer ka dib mudanayashii aan ka midka ahaa ee ka soo baxay xisbiga UCID ay go’aansadeen inay iska casilaan xubin-nimadii iyo xilalkii ay ka hayeen xisbiga UCID, kana mid noqdaan aasaasayaasha urur siyaasadeedka WADANI”ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan waxaanu intaa ku daray “Wadani waxa uu taagan yahay sugida amniga qaranka, waxa uu u taagan yahay hanka, hiigsiga muwaadiniinta Somaliland, waxa uu u taagan yahay hirgalita himilooyinka bulshadu hiigsanayso , waxa uu u taagan yahay rumaynta hilida muwaadinka Somaliland oo ay ugu weyn tahay in ictiraaf la helo.”

Munaasibadan lagaga dhawaaqay urur siyaasadeedkan cusub ee WADANI waxa ka maqnaa Aaden Maxamed Mirre Waqaf oo in badan ay halgan ku soo wada jireen kooxdan ururka ku dhawaaqday, kaasi oo shalay war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inaanu ka mid ahayn ururkaasi.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net