Garabka Kulmiye ee Madaxtooyada oo Kulan Qado-sharaf ah oo ay isku muujinayeen ku Qabsaday Hotel Ambasaddor (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- In ka Badan 250 Xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe iyo Xubnaha Fulinta Kulmiye ee Garabka Madaxtooyada taabacsan, ayaa maanta Kulan Qado-sharaf ah oo madaxweyne Siilaanyo u fidiyey isugu yimi Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaas laga sheegay inay Aqbaleen baaqa dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtidu ugu jeediyey in lagu Xaliyo khilaafka ka dhex-aloosan labada garab ee Kulmiye u kala fadhiyo.

IMG_9987Kulanka oo ujeeddadiisa lagu sheegay inay isku-bartaan Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee dhowaan ay magacaabeen Shir-guddoonkii Shirweynaha 3aad ee Xisbiga, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xoghayaha Guud ee Kulmiye iyo xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta Xisgbiga ee Garabka Madaxtooyada taabacsan, kuwaas oo qaarkood ka yimaaddeen gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka si ay uga qayb-qaataan shirka Golaha Dhexe ee garabka Xukuumadda oo maanta u qorshaysnaa inuu furmo, haseyeeshee u baaqday dhex-dhexaadin guurtidu labada ka dhex bilowday.

Garabka Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa iyaduna adib u dhigay Qabsoomidda Shirkooda Golaha Dhexe oo shalay ku muddeysnaa ka dib markii ay aqbaleen baaq Guddoomiyaha Guurtidu u jeediyey.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay madasha ku sugan yihiin 257 xubnood oo Golaha Dhexe ah, halka labaataneeyo kale hawlo shaqo ugu maqan yihiin Dibeda.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo ka hadlay madasha, ayaa sheegay in balantu ahayd in maanta uu qabsoomo shirkii Golaha Dhexe ee Garabkoodu balse ay talo ahaan qaateen baaqii Ergada Golaha Guurtida, taasoo uu ku tilmaamay in ay qaadan doonto maalmo kooban.

Xubnihii kale oo halkaas ka hadlay, waxa ka mid ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Cabdiraxmaan Talyanle iyo Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki oo ka tirsan Golaha Wakiillada, waxaanay hoggaanka Xisbiga ugu baaqeen inay ku soo laabtaan hoggaaminta talada Xisbiga.

Intii aan ku sugnaa munaasibadda is-barashada ah ee laysugu keenay Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta Garabka Kulmiye ee Madaxtooyada, waxa ay ishaydu Qabanaysay Shakhsiyaad ku jiray Liisas ka kooban Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe oo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye dhowaan magacaabay.