Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Mar Kale Eedo U Jeediyay Faysal Cali Waraabe

(SLpost) Garabka uu hoggaamiyo Musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa eedo u jeediyay Guddoomiyaha xibigaasi Faysal Cali Waraabe, waxaanay sheegeen inuu Guddoomiyuhu beel-marsan yahay sharciyada xisbiga.

 

2-1

 

 

Jamaal Cali Xuseen iyo Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga UCID oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa kale oo ay ka jawabeen xil ka qaadistii Guddoomiye Faysal Cai Waraabe ku sameeyay Xoghayaha golaha dhexe.

 

 

“Waxaan ka arkayay warbaahinta Guddoomiyaha oo waraaq soo qoray uu leeahay waxaan shaqadii ka joojiyay Xoghayihiin golaha dhexe,Soomaaliduna waxay odhan jirtay hadda ayuu sii go’ay Maydkaa la sii sidaa, markaa Faysal Cali waraabena iminka ayuu sii go’ay. Golaha dhexe ayuun-baana awood u leh inay shaqada ka joojiyaan Xoghayaha golaha dhexe, bulshada Somaliland waxaan u sheegaya dadkaa u leeyahay shaqada ayaan ka eryay Faysal xaal baan ka bixinaynaa.” Ayuu yidhi  Jamaal Cali Xuseen

 

 

 

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay inay baaq u dirayaan Maxkamadda sare iyo guddida Diiwaangelinta, isaga oo u soo jeediyay inay go’aamo ka soo saaraan dacawadii ay u gudbiyeen, waxaanu yidhi  “Waxaan ugu baaqaynaa Maxakmada iyo gudidda Diiwaangalinta Ururada inay dacwadayada si deg-deg ah u galaan oo ay go’aamo uga  soo saaraan, taageerayaashana waxaan leeyahay ha niyad jabina halkii u danbaysay ayaynu maraynaa.” Ayuu mar kale yidhi Jamaal Cali Xuseen

 

 

 

Geesta kale Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga UCID Xasan Cismaan Aadan (Sabce) ayaa sheegay in  Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu ku fashilmay hoggaaminta xisbiga , islamarkaana waxa uu ugu baaqay inuu is caslio inta ka horaysa shirka golaha dhexe.

 

 

 

Somalilandpost. Hargeysa