Garabka Isbahaysiga Musharixiinta ee Kulmiye oo ka Jawaabay Wargelintii Xoghayaha Guud ee Xisbigu Ku Amray in ay Xafiiska Iska Soo Xaadiriyaan

 

Hargeysa(SLpost)-Garabka Isbaheysiga Murashaxiinta Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe ayaa nuququl qoraal ah oo ay caawa soo saareen sitoos ah ugu socodsiiyay Madaxweyne Siilaanyo qoraalkaas oo ay kaga jawaab celinayeen qoraal uu dhawaan ku socodsiiyay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo ka dalbadey in ay mudo sadex maalmood gudahood ah iskaga xaadiriyaan Xarunta Xisbiga Kulmiye halkaas oo loogu sheegi doono shuruudaha looga baahan yahey.

Nuxurka Qoraalkan oo ay ku sexeexan yihiin Sadexda Murashax ee Isbaheysiga Murashaxiinta Maxamed Biixi Yoonis(Wasiirkii hore ee A Dibada),Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur(Kijaandhe),iyo Cabadicasiis Maxamed Samaale iyo waliba  Murashaxan jagada Madaxweyne Kuxigeen Faarax Cilmi Maxamuud(geedoole), iyo Murashaxa jagada Gudoomiyaha Golaha Dhexe Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.

Isagoo dhameys tiran Waxa
uu dhignaa qoraalkaasi sidan.

 

“Anagoo ah Murashaxiinta hoos ku sexeexan ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga jagooyinka Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe, waxaanu halkan kagfa jawaabeynaa Qoraal warsaxaafadeed ahaan looga soo saarey Xafiiska Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye, oo Warbaahinta loo soo mariyay murashaxiinta daneyneysa in ay jagiooyinka u tartamaan Shirka Golaha Dhexe ee  loo mudeeyay in uu qabsoomo 10 Bisha November 2015ka laguna wargalinayo Murashaxiinta in ay sadex cisho gudahood kuyimaadaan Xarunta Xisbiga si loogu sheego Sghuruudaha uyaala Murashaxnimadooda iyo xeer hoosaadka khuseeya arimahooda.

Hadaba waxaanu u aragnaa, in talaabadani tahay talaabo kale oo cid aan awood sharci u laheyni ay si badheedh ah u maroorsaneyso    waxeynu ognahay in xeerarka khuseeya Murashaxiinta jagooyinka Madaxweyne,Madaxweyne Kuxigeen iyo Gudoomiye Gole Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ay yihiin dastuurka Xeer Lr.20/2001 iyo xeer hoosaadka Golaha Dhexe ee Xisbiga   Shuruudaha laga doonayo Murashaxiintaasina ku qeexan tahay xeerarkaasi,iyadoo Xeerarkaasina yihiin kuwa cid kasta oo dooneysaaba haysato, sidaa daraadeed aan loo baahneyn in naloogu yeedho Xarunta Xisbiga si naloogu waxaanu ognahay.

Waxaa iyana muhiim ah in la ogaado in uu Xogahayaha Guud aheyn cida buuxinta karta Shuruudaha Xeerarku udhigeen Mursahaxiinta in ay ku hubin laheyd.

Qodobka 16aad ee Xrr hoosaadka Xisbiga Kulmiye farqadiisa afraad waxey qeexeysaa sidan”IV.Gudi gaar ah oo Gudoonka Golaha Dhexe ee Xisbigu magacaabo Golaha Dhexena ansixiyo ayaa Murashaxiinta ka hubineysa Shuruudaha kor ku xusan,isweydiintu waxey tahay majirtaa Gudidaa gaarka ah ee ay jideysay farqada(IV),ee qodobka 16aad ee Xeer hoosaadka Golaha Dhexe ee Xisbiga jawaabtu iyadoo cad ,hadana waxaanu kooxda Shirka toocsaneysa ee debedda uga baxdey xeerkii Xisbiga u sheegaynaa   in gudidii lagala xidhiidhi lahaa Murashaxnimada jagooyinka lagu tartamo ee Golaha dhexe ay ku xidhan tahay Shir lagu dhan yahay oo inoo qabsooma oo marka hore doorta Gudoonkii Golaha Dhexe ee Gudida gaarka ah magacaabi lahaa dabadeedna Gudida Golaha Dhexe ee Xisbigu Shirkiisa ku ansixiyo, kadibna ay Gudidaasi hawl gasho natiijada Hubintana kusoo celiso gudoonka Golaha Dhexe si uu isna ugu bandhigo Shirka.

Ma aha qodobkani ka kaliya ee ilaa hada la jabiyay ee waxa qodobada xeer hosaad e hore loo jabiyay kamid ahaa qodobka 33aad ee dastuurka Xisbiga farqadiisa (Kh), oo u dhigan sidan.

“Marka laga reebo awoodaha dastuurkan xeer hoosaadka Golaha dhexe iyo go,aanada Golaha Dhexe siinaya awoodaha soo socda (kh) waxey socodsiisaa hawlmaalmeedka Golaha Dhexe.

 

ku gafida Qodobka 33(kh),waxey meesha ka saartey wadatashigii Xisbigu caanka ku ahaa waxaanay Xisbiga u gacan-galisey Koox dan gaar ah wada leh oo iyadoo aanu xeer siinin mudeystay Shirka,cayinta Taariikhda qaadshada kaadhadhka ,uyeedhaysa, Murashaxiinta ilaa hadana iska wata Diyaarintyii Shirka kuna talo jira in ay Shirka iska maamulato iyadoo aanay waxba kala socon Gudoomiye Kuxigeenada Labaad iyo Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye shaqadana la leh hogaanka Xisbiga intiisa kale,sadexda Murashax ee kamidka ahaa afarta Musharax ee Madaxweyne,Musharax Madaxweyne Kuxigeen iyo Musharax Gudoomiyaha Golaha Dhexe oo dhamaantoodba doonaya in uu Shirku noqdo Saaxad loo siman yahay iyo waliba Xubnihii Gudida Fulinta wee shaqada Maalinlaha ah wada laheyd intoodii badneyd.

Sidaa darteed mudane Madaxweyne adigoo ah marjacii lagula noqon lahaa Khilaafaadka la isku mari waayey ee ka dhex dhasha Xisbiga ,iyo Xubnaha Hogaanka ee goonida u diyaarsanaya Shirka Golahaba,waxaanu halkan uga sheegaynaa in yeedhmada Musharaxiinta loogu yeedhay Xarunta Xisbigu aanay aheyn yeedhmo kasoo baxdey cidii awoodaha sharci u laheyd, anagana aaney markaa naga mudneyn wax tixgalin ah .

Waxaa kale oo Mudane Madaxweyne mar kale halkan kaaga cadeyneynaa in aanu doonayno sidii Xisbiga Kulmiye usii ahaan lahaa Kulmiyihii lawada lahaa ,taas oo ku iman karta in talada oo cida toocsaneysa dhulka laga dhigo, xeerarka Xisbigana loo soo noqdo Hay,adahihii shaqooyinka kala lahaana loo ogolaado in masuuliyahooda gutaan.

Waxey mudane Madaxweyne noogu muuqataa mowqif kasta oo aad ka qaadatey tartanka Murashaxiintaba, in aad wali tahay cida qudha ee isku soo celin karta Xisbigii Waxaanu markaa kaa rajeyneynaa in aad kaalintaada ka qaadato oo aad xal waara u raadiso Mushaakilka ka jira Xisbiga lagana dhawro degdega middi-roorteyska iyo isku daya-da  looga jeedo in lagu xalaaleysto Shirkaas aan loo dhamayn.

 

Musharaxiinta kala ah:

1-Maxamed Biixi Yoonis  oo u tartmaya jagada Musharaxa Madaxweynaha

 

2- Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) u tartmaya jagada Musharaxa Madaxweynaha

3-Cabdicasiis Maxamed Samaale u tartmaya jagada Musharaxa Madaxweynaha

4-Faarax Cilmi Maxamuud u tartmaya jagada Musharaxa Madaxweyne Kuxigeen

5-Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo u tartmaya jagada Gudoomiyaha Golaha Dhexe

 

Ayay kusoo gunaanadeen nuxurka qoralka ay wadajirka usoo saareen caawa Isbaheysiga Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye.