Garabka Cali Waran-cade ee Xisbiga UDUB oo ku hanjabay inay carqaladaynayaan Doorashada Goleyaasha Deegaanka

Hargeysa  (SLpost), Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Md Cali Yuusuf oo todobaadkan kulamo goni gooni ah la yeelanayey garabyada Xisbiga UDUB u kala qaybsan yahay ee Cali Waran-cade, Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), Guddiga Komishanka Doorashooyinka qaranka iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore ahaana Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Md Axmed Yuusuf Yasiin oo jagada Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga iska casilay, markii khilaaf daba dheeraaday uu hadheeyay Xisbiga UDUB ayaa maanta isaga iyo garabkii Cali Waran-cade hogaaminayey waxa u yeedhay shir-guddoonada labada Golle oo todobaadkan aynu ku jirno xog-waraysi waday ku saabsan waxa u sabab ah in Xisbiga UDUB uu ka hadho doorasha Golaha Degaanka ee 28-ka November ka dhacaysa dalka, isla markaana maanta marki labada shir-guddoon ay shir albaabadu u xidhan yihiin lagaleen waxay Garabyada Xisbiga UDUB is-ku haysta u shegeen inay iyagu masuul ka yihiin burburka Xisbiga UDUB oo uu sidaas kaga hadhay Doorashada Golaha Degaanka.

Kullankaas oo ka dhacay Aqalka Golaha guurtida ayaa marka uu soo dhamaday garabka Cali Waran-cade uu hogaamiyo waxay shir jaraa,id ku qabten Xarunta Xisbiga UDUB ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo Murashaxa Xisbiga UDUB Cali Waran-cade iyo ku-xigeenkiisa oo ka hadal go’aanka ay qadayaan, isla markaana Xildhibaan Mataan Hoori oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa waxa uu sheegay inay go’aan ku gadheen in dalkaba ay doorasho ka dhicin haddii khaladkaas wax laga qaban.

Xildhibaanku waxa kale oo uu fariin u diray Ha’yaddaha Somaliland xagga doorashada ka tageero oo uu sheegay inay ku soo lugin haddii arrintayada waxba laga qaban, isla markaana waxa uu sheegay  go’aanka ay qateen labada Golle, Komishanka doorashooyinka iyo xukuumadu ay kaga jawaabayaan in dalkaba ayd oorasho ka dhicin, isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi. “ Guddoomayaashii Gollayaasha iyo Komishankii waxan ka masuul ahaa iyo wixii iyaga oo dhan tageerayay waxa isku raceen in saxaada Siyaasada laga saaro Xisbiga UDUB oo laga reebo doorshada. Anaguna haddaanu nahay UDUB waxa taas kaga jawaabnaynaa oo aanu go’aansanay in doorashaba dalka ka dhicin. UDUB doorashada ay diidana ka dhicimayso dalka. Haddii taas wax laga qaban oo khaladkaas dawlada iyo tageerayaasheedu khaladkaas ay galeen dib uga noqon,”Ayuu yidhi Xildhibaan Hoori oo ka tirsan Golah Wakiilada ee Somaliland.

“Ha’yaddaha Caalamiga ah ee yidhaahda doorasha ayaanu idiin qabanaynaa waxaanu leenahay tan ha ku soo lugo’ina. Haddaad waxtaraysaan wannaagayaga wax ka qabta inay dhibaatadaasi imman. Talaabada aanu qaadaynaa waxay tahay in doorashaba ay dhicin oo waxaanu isku halaynaynaa taageerada Xisbiga UDUB.”

SomalilandPost.net/Hargeysa