Garab ka mid ah WADDANI oo Hoggaan Cusub Doortay, sheegayna inay Dacwad u gudbinayaan hay’adaha Sharciga

Hargeysa (SLpost)- Garab ka tirsan Xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Faarax Cilmi Geedoole, ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen magaalada Hargeysa, waxa ay ku dhawaaqeen inay hay’adaha Sharciga u gudbinayaan khilaaf soo kala dhex-galay xisbiga.

33Garabkan oo hoggaan u cusub u doortay Faarax Cilmi Geedoole, waxa ka mid ah Xoghayihii hore ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde iyo Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Xisbiga oo dhawaan labadoodaba xilalka laga qaaday fadhi ay isugu yimaaddeen Guddiga Fulinta ee Waddani.

Warkan oo faahfaahsan iyo Arrimo kale oo Xubnahani ka hadleen ka daawo Muuqaalkan Hoose.