Ganacsade reer Somaliland ah oo ka mid noqday laba Qof oo Geeska Afrika uga Qayb-galaya Shirweyne Madaxweynaha Maraykanku Sabtida ka furayo Nairobi

Shirkan oo ah Sannadle caalami ah, waxa ka qayb-galaya 150 Shakhsiyaad Da’ yar oo Ganacsiyo ay Iskood u hal-abuureen ka midho-dhaliyey

Kenya (SLpost)- Mulkiilaha Hudheelka Summer-Time Restaurant ee magaalada Hargeysa, Siciid Sheekh Cumar, ayaa maanta Safar ugu baxay Magaalo-mdaxda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo uu kaga qayb-gali doono shir-caalami ah oo ay isugu imanayaan Shakhsiyaad Da’ yar ah oo ka midho-dhaliyey Ganacsiyo ay Iskood u hal-abuureen oo Guulaystay.

Siciid Sheekh oo maanta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, waxa uu nasiib u helay inuu ka qayb-galo shir-weynaha Curiyayaasha Ganacsiyada Guulaystay ee Adduunka (Global Entrepreneurship Summit [GES]) oo sanadkiiba hal mar la qabto.

Mulkiilaha Summer TimeShirkan oo noqonaya kii lixaad ee la qabto tan iyo markii la aasaasay Golahan sannadkii 2009-kii, isla markaana ay ka soo qayb-galayaan 150 qof oo Guulo la taaban karo ka gaadhay ganacsiyo ay iskood u abuureen, waxa uu Ganacsade Siciid Sheekh Cumar ka mid noqday laba qof oo Mandaqada Geeska Afrika uga qeybgalaya.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood oo kala 25 ilaa 26 bishan July 2015-ka, waxa fikirkiisa lahaa Madaxwaaynaha Maraykanka Barack Obama oo shirkii ugu horeeyay ka furay Magaalada Qaahira ee waddanka Masar sannadkii 2009-kii.

Shirkan oo madaxwayne Obama maalinta Sabtida ah ka furi-doono Magaalda Nairobi oo uu booqasho ku imanayo, waxa ka qayb galaya Ganacsato da’yar ah oo ka midho-dhaliyey hal-abuurkooda, kuwaas oo isaga kala yimi dunida, maalgashadeyaal iyo madax tiro badan.

Ganacsadahan da’ada yar ee Siciid Sheekh Cumar ayaa waxa uu nasiib u helay inuu noqdo ganacsadihii u horeeyay Somaliland ee hela fursad uu kula kulmo Madaxwaynaha waddanka Maraykanka Mr. Barack Obama marka uu maalinta Sabtida ah ee 25 bishan ka qayb-galo shirka caalamiga ah ee curiyayaasha Adduunka (Global Entrepreneurship Summit [GES]).

Ganacsadahan da’ada Yar ee reer Somaliland Siciid Sheekh Cumar ayaa waxay da’diisu tahay 37-jir waxa uu iska leeyahay Hudheel Summer-Time oo caan ka ah Hargeysa, isaga oo ganacsigiisa ka bilaabay Dukaan yar oo Shaaha iyo Bunka lagu iibiyo sanadii 2003-dii.

Somalilandpost.net