Ganacsato wasiirka Maaliyadda ku maamuusay Hadhimo-sharaf Xod-xodasho ah oo ay kaga dalbadeen in dib-u-eegis lagu sameeyo cashuuraha

Hargeysa, 25 March, 2012 (SLpost)- Qaar ka mid ah Ganacsada Somaliland oo Maanta Munaasibad Hadhimo Sharaf ah ku soo dhaweeyay Wasiirka Cusub ee wasaarada Maaliyada C/Casiis Maxamed Samaale, ayaa wasiirka kaga dalbaday inuu dib u eegis ku sameeyo Cashuuraha ay dawladdu ka qaado ganacsatada.

Munaasibadan Hadhimo Sharafta ah oo lagu qabtay Huteelka Mansoor e Magaalada Hargeisa,ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Cusub ee Maaliyada,Saraakiisha wasaarada Maaliyada Jsl,Xubno ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee somaliland iyo Marti sharafkale oo Farabadan.

Qaar ka mid Ganacsada oo halkaasi ka hadashay oo uu ka mid yahay Cali Ibraahim Ciise ,Cabdi Farax ayaa waxaa ay wasiirka Cusub ku Habalyeeyeen xilka loo Magacaabay taasi oo dhamaantood tilmaameen inay si laab xaadhan ula shaqeyn doonaan Xukuumada.

Ganacsatadan ayaa waxay si qoto dheer ugu warameen ilaalinta ganacsatadu ugu jirto dhismaha qaranka Jsl,iyo sida looga baahanyahay in la kobciyo Ganacsatada,isla markaana xubnahan Ganacsatada ahi waxay wasiirka Cusub ee Maaliyada u soo jeediyeen in dib u eegis lagu Sameeyo Cashuuraha Tagliifeedka laga qaado,iyo sidoo kale Cashuurta Dhoofka Xoolaha,Badeecadaha dibada ka yimaada,si Dhaqaalaheena iyo dalkeenuba u camirmo.

Ugu Dambeyntii Wasiirka Wasaarada Maaliyada Md.Cabdi Casiis Mohamed Samaale oo hadhimo Sharafeedkan ka hadlay ayaa ku amaanay Ganacsatada Kaalinta ay ka qaateen Horumarka iyo Dib u dhiska Dalka,waxaanu Tilmaamey wasiisrku in Ganacsadu tahay Laf dhabarta Dhaqaalaha Dalka iyo shaqo abuurka,waxaanu ugu balan qaaday in is fahan iyo wada tashi joogto ah ku wada hawlgali doonaan.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland