Ganacsato Maxjar Saddexaad oo ay Berbera ka hirgelinayaan Khilaaf ka dhex-abuuray Maxjarka Indho-deero oo Iska Fogeeyey Eedaymo loo jeediyey

HARGEYSA (SLpost)- Ganacsato magaalada Berbera ka yagleelay dhismaha maxjar saddexaad oo xoolaha caafimaadkooda lagu daryeelayo, kaas oo muran ku dhexmaray Mulkiilaha iyo maamulka Maxjarka Indha-dheero, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaaddo Kooxo hubaysan oo todobaadkii hore weeraray goobta dhismaha maxjarkaasi ka socdo, kuwaas oo lala xidhiidhiyey inay ka dambeeyey maamulka Maxjarka Indho-Deero.

Xubno ka tirsan Ganacsatada hirgelinaysa Maxjarka Cusub oo maanta gelinkii dambe magaalada Hargeysa ku qabtay, shir-jaraa’id oo jawaab u ah eedaymo maamulka sare ee Maxjarka Shirkadda Deero Group ugu jeediyeen inay leexsadeen isla markaana alaab dayac-tirka Maxjarka Deero Group loogu talo-galay oo dekedda Berbera taallay inta la baxeen ay isaga dhisteen Maxjarka Cusub, waxa ay ganacsadani beeniyeen isla markaana waxba kama-jiraan ku tilmaameen jiritaanka eedaynta iyo hadalka ka soo yeedhay maamulka Maxjarka Deero Group, iyaga oo sheegay inay iyagu leeyihiin isla makraana ay hayaan caddeymo iftiiminaya mulkiyadda lahaanshiyaha alaabta laysku haysto.

HALKAN KA DAAWO